Saturday 24th February 2018

Nin Bartiisa Twitter-ka Looga Xiray Kaneeco Uu Diley Awgeed.

September 2, 2017 - Written by Kulmiye

Nin ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter ee dalka Japan ayaa laga mamnuucay in uu isticmaalo bartani bulshada ka dib markii uu ku hanjabay in uu dilayo kaneeco, qofka oo waxyaabo aflagaado ah ku soo qora barta Twitter ayaa mararka qaar laga mamnuucaa isticmaalka bartaasi.

Balse go’aanka xannibida cinwaanka @nemuismywife looga xannibay in uu kaneeco u hanjabay ayaa soo jiidatay dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

Arrintan ayaa bilaabatay 20 August ka dib markii ay dhowr jeer qaniintay Kaneeco isaga oo daawanayay talefishan .

Markii uu dilay kaneecadii ayaa waxa uu bartiisa Twitterka ku soo qoray “Halkeed ula baxsanaysaa qaniiyadeyda aniga oo iska nasanaya oo TV-ga iska daawanaya ? dhimo! (xaqiiqadiina mar hore ayaad ba dhimatay).”

Ninkan ayaa hadalkaasi soo raaciyay sawirka Kaneecadii uu dilay.

Qoraalkaasi ka dib ayaa waxa uu fariin ka helay shirkada Twitter oo u sheegtay in cinwaankiisa la xannibay islamarkana aan dib loogu furi doonin.

Ninkan ayaa furtay imika cinwaan cusub oo ah , @DaydreamMatcha, waxa uuna canbaareeyay go’aanka shirkada Twitter.

Waxa uu soo qoray “Cinwaankaydii hore ayaa la xannibay ka dib markii aan iri waxa aan dilay Kaneeco.taasi ma jabin sharci baa ?

Fariintiisada carada wadata ee uu soo dhigay bartiisa Twitter ayaa waxa la sii baahiyay in ka badan 31,000 waxaana ka heshay 27,000 oo ah dadka isticmaala barta Twitter.

Shirkada Twitter ayaa dhawaan xariga ka jartay tillaabooyiin dhowr ah oo cusub taasi oo ay uga gol leedahay in ay ku xakamayso aflagaadada baraha bulshada iyo dhibaatooyiinka la gaysto iyada oo loo sii marayo barta shirkada.

XIGASHO BBC

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI