Sunday 17th December 2017

Madaxweyne Waarre,”Waxbadan Ayaan Ka Qaban Doonaa Magaalooyinka Go’doonsan”

September 17, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyay Idaacadda VOA laanta afka Soomaaliga ah ayaa ka hadlay Waxyaabaha ugu horeeyo ee uu wax ka qaban doono Maamulkiisa.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono Xalinta dagaal beeleedka iyo dagaalada Al-Shabaab ee gobalka ka socda kuwaas oo go’doon giliyay magaalooyin badan oo Hirshabeelle ka tirsan.

“Ahmiyadda 1aad waxaan siin doonaa sidii dadka xal loo dhax dhigi lahaa iyo sidii aan isugu furi laheyn wadada Muqdisho iyo Beled-weyne isku xerta iyo sidii aan uga adkaan laheyn Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle ayaa soo hadal qaaday Magaalooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee ku yaala deegaanada Hirshabeelle waxa uuna sheegay in dhawaan laga dul qaadi doono go’doonka.

“Magaalooyinka go’doonka ku jira xur maahan, waa Xabsi kor ka fursan dhawaana waan ka dul qaadi doonaa shacabka dhibka ay ku noolaayeen muddo dheer ” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI