Sunday 17th December 2017

Maandooriye lagu qabtay magaalada Bosaso Ee Xarunta Ganacsiga Puntland [Sawirro]

September 10, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Laamaha amniga iyo maamulka gobolka Bari ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay Maandooriye lagu qabtay Kantaroolka magaalada Bosaso, kaasoo la sheegay inuu dhibaato weyn ku hayo bulshada iyo nabad-gelyada.

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Raggii waday Maandooriyahan oo la sheegay inuu dhan yahay 2 Kiilo iyo shakhsiyaadkii loo waday.

Guddoomiyaha  Bari iyo Taliyaha qaybta Booliiska ayaa goob joog ka ahaa madal lagusoo bandhigay Mukhaadaraadkan.

Taliyaha qeybta Booliska gobalkaas, Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlayay howlgalka lagu qabtay Maandooriyaha ayaa sheegay inay dab qabadsiin doonaan islamarkaana raggan lagu qabtay loo gudbin doono maxkamad.

Cabdixakiim ayaa sidoo kale digniin u diray shakhsiyaadka ku howlan ka ganacsiga maandooriya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ciddii lagu qabto ay la kulmi doonto Ciqaab adag.

Ciidamada amniga ayaa xusay inay si wayn u feejigan yihiin, islamarkaana aysan suurto gal noqon karin in si dhuumaalaysi ah magaalada loo soo galiyo Mukhaadaraad.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI