Friday 22nd September 2017

Kurdiyiibta Ciraaq oo Isu Diyaariyay In Ay Xad U Gaar Ah Samaystaan.

September 11, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweynahaha Kurdiyiinta Ciraaq ayaa bidhaamiyay in ay astayn doonaan xudduudda mustaqbalka ee dawladda Kurdiyiintu ay yeelan doonto haddii Xukuumadda dhexe ay aqbaliwaydo aftida xorriyadda ee lagu wado in ay dhacdo bisha soo socota dhammaadkeeda.

Massoud Barzani ayaa BBC-da u sheegay in uu doonayo in uu heshiis la gaaro dawladda dhexe haddii Kurdiyiintu ay u codeeyaan in ay ka go’aan Ciraaq inteeda kale.

Ra’iisalwasaaraha Ciraaq ayaaa diiday aftida isaga oo ku tilmaamay mid aan dastuurka dalka wafaaqsanayn.

Barzani ayaa sidoo kale ka digay in Kurdiyiintu ay la dagaalami doonaan cidkasta oo isku dayda in ay xoog ku badasho xaqiiqada taalla Kirkuk.

Xoogagga Kurdiyiinta ee Peshmerga ayaa la wareegay maamulka magaalada shidaalka qaniga ku ah, taas oo ay ku wada nool yihiin bulsho badan oo Carab iyo Kurdiyiin isugu jira iyo waliba goobo kale oo xukuummada dhexe ay sheegatay saddexdii sano ee la soo dhaafay, ka dib markii ay ka xoraysay kooxaha jihaad doonka ah.

Malayshiyada Shiicada ah ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in magaalada Kirkuk ay ka mid noqoto Kurdistan xor ah.

Kurdiyiinta ayaa ah qawmiyadda afraad ee ugu badan Bariga Dhexe, laakiin waligood ma aysan helin dawlad ay u madaxbannaan yihiin.

Ciraaq oo ay ku nool yihiin 37 milyan oo ruux ayay ka yihiin 15% ilaa 20%, Kurdiyiintuna waxay sannado badan caddaadis kala kulmeen dawladdihii ay Carabtu hogaamin jirtay ka hor intii aysan ismaamulka samaysanin dagaalkii gacanka ee sannadkii 1991dii.

Saddex billood ka hor ayay masuuliyiinta sare iyo xisbiyada siyaasadda maamul goboleedka Kurdiyiintu ku heshiiyeen in la qabto afti.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI