Wednesday 22nd November 2017

Haweeney Boolis Ah oo Garsoore Ka Noqotay Ciyaar Horyaalka Bundesliga Ah.

September 11, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Haweeney ka mid ah booliska Jarmalka ayaa noqotay qofkii dumar ah ee ugu horeesay ee garsoore ka noqota ciyaar ay dheelayaan rag oo ka tirsan horyaal ka mid ah kuwa ugu weyn kubadda cagta Yurub.

Bibiana Steinhaus, oo 38 jir ah ayaa seeriga u haysay kulan ay yeesheen kooxaha Hertha Berlin iyo Werder Bremen oo ka tirsan horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Waa haweeneydii ugu horaysay ee garsoore ka noqota ciyaar ay rag dheelayaan oo ka tirsan horyaallada dalalka caanka ku ah kubadda cagta ee Yurub, sida Jarmalka, Ingiriiska, Faranisiiska, Talyaaniga iyo Spain.

Bibiana Steinhaus ayaa khibrad ballaaran u leh garsoorenimada kubadda cagta, waxaana ay qabatay fiinaalkii horyaallada gabdhaha ee sanadkan, iyo weliba kulamo ka tirsan horyaalka labaad ee kooxaha ragga ee Jarmalka.

Waxa ay sheegtay in aanay waxba kaga duwaneyn garsoorayaasha ragga ah.

Ciyaarta ay garsooraha ka noqotaya ayaa ku idlaatay barbaro 1-1 ah, wax khilaaf ahna kama dhicin.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI