Thursday 21st September 2017

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dhiibistii Qalbi-dhagax

September 14, 2017 - Written by Kulmiye

Arrinta Cabdikariin (Qalbi-dhagax) oo muran badan ka dhex dhalisay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli waxa ay tahay mid taagan oo aanan loo helin xal kama dambeys ah.

Shacabka Soomaaliyeed oo qaarkood arrintan iyaguna ku kala qeyb samay ayaa waxa ay dalbanayaan in la raaco go’aankii Xukuumadda, oo aanan dib loo soo laaban, halka qaar kalena ay ku baaqayaan in Baarlamaanka uu Xukuumadda kula xisaabtamo kiiska (Qalbi-dhagax).

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in ay maqleen guuxa shacabka, arrintanna looga baahan yahay in ay ugu dambeeyaan Baarlamaanka.

Wuxuu ka dalbaday Guddoomiye (Jawaari) Shacabka in ay guryahooda si nabad ah ku joogaan, kuna kalsoonaadaan Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada, si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda dalka.

“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan mar labaad aan ku celiyo, waan idin maqalnay, Gole ayaan leenahay, kuna kalsoonaada Wakiiladiina, xasiloonida hala ilaaliyo.” Ayuu yiri Jawaari.

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u saaray inay ka soo tala bixiyan dood adag, oo shalay ay Xildhibaanadu ka yeesheen wareejintii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) iyo go’aankii Xukuumadda.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI