Wednesday 22nd November 2017

Guddoomiye Jawaari oo Casuumaad Rasmi Ah Ka Heley Dhigiisa Suudaan.

September 10, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu maanta la qaatay safiirka dowadda Suudaan ee Soomaaliya Mohamed Yousir Abdelmanan ayaa waxa ay kaga hadleen dhowr arimood oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada wadan.

Ugu horeyn safiirka Suudaan ee Soomaaliya Mohamed Yousir Abdelmanan ayaa guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya u keenay warqad casuumaad ah oo uu kaga siday xafiiska baarlamaanka ee dalka Suudaan taas oo guddoomiyaha golaha shacabka looga codsanaayo inuu booqasho ku tago dalka Suudaan si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan.

Sidoo kale, safiirka iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee dalalka Carabta iyo siyaasada guud ee dalalka Carabta  ,waxaana guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu uga mahad celiyay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu mar walba uga shaqeeyo horumarinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladda Suudaan ayaa  waxa ay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacayo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada iyo tababarida ciidamada.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI