Thursday 21st September 2017

Goormaa Dib Loo Qabanayaa Doorashada Madaxtinimada Wadanka Kenya.

September 4, 2017 - Written by Kulmiye

Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha Oktoobar la qaban doono doorashada madaxweynenimo ee Kenya kadib markii ay maxkamad amartay in markale lagu celiyo doorashada.

War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.

Maalintii jimcaha ayay maxkamadda sare ee Kenya laashay natiijadii doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto, taas oo guddiga shaaciyeen in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ayaa sheegtay in doorashadaasi lagu shubtay, islamarkaasina aysan ahayn mid xalaal ahayd.

Xisbiyada ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyada oo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo beesha caalamka qaarkeed, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo, balse madaxweyne Uhuru iyo xisbiga Jubilee ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee ay aqbaleen go’aanka.

Arrin si weyn loogu muransanyahay ayaa ah cidda doorashada qabanqaabinaysa, NASA waxa ay qabtaa in meesha laga saaro guddiga IEBC ee hadda jira maadaamaa maxkamadda ku xukuntay in ay ku xadgudbeen mas’uuliyadooda, balse Jubilee ayaa ku adkaysanaysa in cid aan ahayn IEBC aysan doorashada qaban doonin.

XIGASHO:- BBC

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI