Thursday 21st September 2017

Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Ansixiyey Hindise Sharciyeed iyo Heshiisyo Xasaasi ah

September 7, 2017 - Written by Kulmiye

 Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedka Batrooka, Heshiiska isu-celinta maxaabiista ee India iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga ayaa golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheeegeyna in ammaanka uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Golaha ayaa waxaa la horkeenay Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo abuuri doona in la dhiso Hay’ada Xaqsiinta Ciidamada si ciidamada howlgabka ah, kuwa dhaawacma ee curyaama iyo agoontaba loo siin lahaa waxii ay xaq u leeyihiin. Golaha ayaa loo qeybiyey nuqulka Hindise Sharciyeedka si ay u soo darsaan oo kulamada danbe loo ansaxiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey heshiiskan oo loo gudbin doono Baarlamaanka.

Wasiirka Batroolka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradu ayaa ansixiyey. Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala.

Golaha ayaa isku raacay in Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada dib u eegis lagu sameeyo iyadoo loo xilsaaray guddi ka soo baaraandega. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Waxqabadka 6da bilood ee soo socota iyadoo la isku raacay in wasaarad walba ay soo gudbiso qorshaheeda si loola xisaabtamo.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI