Wednesday 22nd November 2017

Duufaanta Irma oo khasaare ka geysatay Florida

September 11, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Duufaanta Irma ayaa ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ayadoo xeebta gobolkaasi ka geysatay fatahaad ballaaran isla markaana korontada ka jirtay ku dhawaad 3 milyan oo guryo iyo ganacsiyaal isugu jira.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay duufaanta ku dhufatay Florida.

Duufaanta Irma ayaa ugu horeyn ku dhufatay jasiiradda Marco ee ku taal xeebta galbeed ee Florida, waxaana markaasi ay wadatay dabeylo ku socday saacadiiba 169 kilo mitir.

Balse wixii markaa ka dambeeyay duufaantu waa ay tabar dhigtay, oo waxaa ay hoos ugu dhacday heerka labaad.

In ka badan laba iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa koronto la’aan ah guud ahaan gobolkaasi, waxaana fatahaad ballaaran ay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Miami.

Dhowr ka mid ah magaalooyinka Florida ayaa bandow habeenkii ah lagu soo rogay, si looga hortago inuu boob dhaco.

Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay in musiibo ballaaran ay ka dhacday Florida, taasoo u suuragalineysa gobolkaasi inuu helo gargaar uga yimaada xukuumadda federaalka ah.

Trump ayaa weriyayaasha u sheegay in hay’adaha Maraykanka ay ka shaqeynayaan wax ka qabashada xaaladda ay abuurtay duufaanta Irma.

Duufaanta ayaa hadda ku wajahan deegaanka Tampa Bay, halkaasi oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 3 milyan oo qof, balse aanay wax duufaan ah ku dhufan tan iyo sanadkii 1921-kii.

Hay’adda qaran ee duufaannada ayaa sheegtay in Irma ay sii tabar dhigayso, balse ay weli khatar tahay.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI