Wednesday 22nd November 2017

Diyaaradaha Ciidamada Wadanka Kenya Oo Duqeeyey Alshabaab.

September 11, 2017 - Written by Kulmiye

Diyaaradaha dagaalka Milatariga Dowladda Kenya ayaa la sheegay in maanta ay duqeeyeen Dagaalamayaashii Shabaab ee weeraray Degmada Belad-Xaawo ee gobalka Gado sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha maamulka Jubbaland ee gobalka Gado.

Deegaanada ay Ciidamada duqeeyaan ayaa kala ah Carro Cade iyo Sur-waaley oo qiyaastii 14 km duleedka kaga beegaan Belad-Xaawo ee gobalka Gado, waxaana Shabaabka la duqeeyay ay ahaayeen Dagaalamayaashii weeraray Saakay aroortii hore degmada Belad-Xaawo.

Ilaa hadda lama ogo Khasaaraha ka dhashay duqeynta ay Diyaaradaha Ciidanka Kenya ka geesteen Duleedka degmada Belad-Xaawo ee gobalka Gado.

Al-Shabaab ayaa saakay Aroortii hore weerar ku bilaawday Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ku qaaday degmada Beled-Xaawo ee gobalka Gado waxaana weerarkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray Ciidanka Daraawiishta ee Jubbaland.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI