Friday 22nd September 2017

Ciidanka Xasilinta Muqdisho Oo Qabtay Gaari iyo Rag Weeraro Ka Fuliyey Muqdisho.

September 11, 2017 - Written by Kulmiye

Ciidamada Xaslinta Caasimada Muqdisho ayaa howlgal ay saakay ka fuliyeen degmada Dharkeenley waxa ay kusoo qabteen gaari la sheegay in weeraro kala duwan looga fuliyay gudaha Degmada Dharkeenley maalmihii lasoo dhaafay.

Gaariga Ciidamada amaanka qabteen oo nuuciisu ahaa NOAH ayaa laga soo qabtay sida xogta ku helnay guri kuyaala degmada Dharkenley, waxaana gaariga lala qabtay sadex nin oo mid ahaa darawal halka labadana kalana la sheegay in toogashada geesan jireen.

Taliyaha Booliska degmada Dharkeenley Col. Maxamed Dahir ayaa sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen gaari loo adeegsaday weeraradii ka dhacay degmada Dharkeenley, waxa uuna intaa raaciyay in sidoo kale lasoo qabtay sadex nin oo la tuhmayo.

Gaariga Ciidamada amaanka ku qabteen Degmada Dharkeenley ayaa baadi goob xoogan loogu jiray, waxaana gaariga la sheegay in lagu fuliyay labo weerar oo kii ugu dambeeyay uu shalay ka dhacay degmada Dharkeenley.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI