Thursday 21st September 2017

Cabdikariin Xuseen Guuleed Oo Beeniyey Inuu Heshiis U Saxiixay Itoobiya.

September 6, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa goordhaw ka hadlay go’aankii maanta kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ee ku aadanaa Kiiska C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax.

War-Saxaafadeedka Xukuumada soo saartay ayaa waxaa ku xusnaa in Madaxweynihii hore ee Galmudug isaga oo matalaya Soomaaliya uu saxiixay in Itoobiya iyo Somalia ay si wada jir ah isaga kaashanayaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa beeniyay in uu jiro Heshiis oo ku matalayay Dowlada Soomaaliya uu saxiixay, waxa uuna tilmaamay in heshiiska uu galay uu ahaa mid ku saabsanaa Dajinta xasarad qabaa,il oo ka taagneyd xuduudda balse uusan jirin heshiis ku aadan is dhaafsi Maxaabiis.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu C/Kariin Guuleed soo dhigay bartiisa Facebook

NIN DAAD QAADAY XUNBO CUSKAY

Waxaa wax lala yaabo ah in Xukuumadda Soomaaliyeed qaladkii ay gashay ay rabto inay cuskiso kulana galgalato dad aan shaqo ku laheyn iyo in waliba qaladkii mid ka sii weyn oo sida muuqato lagu xalaaleynayo in dad kale oo nooc kasta ah lagu laayo laguna sii dhiibo, Haddaba maadaama aan ka mid ahay dadka magacooda lagu xusay Warmurtiyeedka Golaha Wasiirada Shirkoodii maanta waxaan halkaa ku cadeynayaa Arimaha soo socda.

1. Ma jiro heshiis aan ku matalayey Dowladda Soomaaliyeed oo aan la galay Dowladda Itoobiya, anigu waxaan matayey Maamulkii aan Madaxda ka ahaa ee Galmudug, maadaama aan Maamulkaa matalayeyna Dowladda Dhexe heshiis uma soo qaadin umana soo qaadi karin.

2. Heshiiskeeni waxuu ku saabsanaa Dajinta xasarad qabaa,il oo ka taagneyd xuduudda, ee marnaba kuma saabsaneyn:

A. Isweydaarsi Maxaabiis iyo isku gudbin Danbiilayaal toona.

B. In Ururka OLNF uu yahay Urur Argagaxiso waayo anigu Ururkaas uma aqaano uma aqoonsani Urur Argagaxiso ah sidoo kale Ururka OLNF uma aqaano UBBO ee waxaan u aqaana Urur u halgamaya Qadiyad uu leeyahay, urur kastana sax iyo qalad waa yeelan karaa.

Waxaa xusid mudan in markaan joognay Jigjiga aan mowqif cad iska taagnay arinka in heshiiska lagu daro in Ururka OLNF uu argagaxiso yahay.

Haddaba waxaan dhihi lahaa go,aanka golaha Wasiirada iyo isku daygooda inay cuskiiyaan heshiiskaas waa NIN DAAD QAADAY XUNBO CUSKAY

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI