Thursday 21st September 2017

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Ka Hadlay Waxqabadka Wasaaraddiisa.

August 31, 2017 - Written by Kulmiye

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay bisha August oo maanta mareysa 31, iyo daqligii soo galay sida ay u kala maareysay.

C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa u mahadceliyay Guddiga Dhaqaalaha Golaha Shacabka, kuwaasi oo qabtay howlo badan oo la xiriiira Miisaaniyadda Dowladda 2017-ka.

Wuxuu sheegay Miisaaniyadan in ay leedahay muhiimad gaar ah, oo ay siineyso arrimaha amniga, oo Ciidamada amniga loogu tala galay, hadii ay ahaan lahaayeen mushaaraadkooda, in cunooyin loogu iibiyo.

Wasiir Bayle ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka ay hada ku socoto Miisaaniyadda Dowladda bixinteeda, inkastoo uu sheegay weli inaan lagaarin meeshii loogu tala galay.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiirka lacagaha soo gala Dowladda in ay ka soo galaan laba meelood oo kala ah lacago laga aruuriyay shacabka Soomaaliyeed, iyo lacagaha dibadda ka yimaada oo ay ugu horeyso Dowladda Turkiga, taasi oo si joogto ah kab u siisa Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu dambeyntii sheegay Bankiga Aduunka in Dowladda uu ugu deeqay lacago, taasi oo qeyb ka mid ah lagu shaqeeleysiinayo dhalinyarada Soomaaliyeed, halka qeybta kalena lagu dhisayo Wadooyinka bur bursan.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI