Sunday 17th December 2017

Soomaaliya iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Isgaarsiinta.

August 18, 2017 - Written by Kulmiye

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojoyadda dalka Soomaaliya Eng. Cabdi Cashur Xasan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa sheegay dalka Soomaaliya in uu yahay hada mid ka soo kabanaya bur bur, loona baahan yahay in laga garab istaago dhan walba.

Wuxuu sheegay masuuliyiinta Jabuuti gaar ahaan Wasaaradda Boostada dalkaasi in uu kala hadlay arrimaha xiriirka Iskaashiga ee dhinaca hergelinta Heshiiska Boostada Jabuuti “La Poste de Djibouti” iyo iskaashiga dhinaca horumarinta Isgaarsiinta.

Eng. Cabdi Cashur Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojoyadda dalka Soomaaliya ayaa sheegay weli in ay maqantay taageerada Caalamka, ilaa taasi laga gaarayana ay caawimaad ka heli doonaan Jabuuti.

Sidoo kale Xubanaha wafdiga Wasiir Cashur ayaa waxa ay kormeer ku tageen Xarumaha Shirkada Djibouti Telecom iyo shaldhiga xargaha fiber optic-ga dalka Jabuuti, kaasi oo Soomaaliya ay baahi weyn u qabto.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI