Sunday 17th December 2017

Odayaal Ku Guuldaraystay Joojinta Dagaal Beeleedka SH Dhexe Oo Xabsiga Ladhigay.

August 24, 2017 - Written by Kulmiye

Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Shalay Xabsiga dhigay Odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galayay Gogashii Nabadeed ee tiilay Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle kuwaas oo ka wada hadlay Xal u helidda Colaad beeleedkii ka dhacday degmada Cadalle ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ay ku heshiin waayeen joojinta dagaalkaasi iyo go’doonka laga qaado wadooyin hore ugu xirmay Dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay Cadalle kadib ay Maamulka Hirshabeelle amreen in xabsiga la dhigo odayaashii Gogasha ka qeyb galayay.

Warar kale ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda kulankooda uu hakad galayay mudo 3 jeer Maamulka Hirshabeellana ay fuliyeen dalabaad ka yimid odayaasha Balse ay dhaqan gali weysay dadaalkoodii ay wadeen Maamulka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiinta Gobalka iyo Maamulka Hirshabeelle oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan go’aanka Odayaasha lagu xiray Jowhar.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI