Sunday 17th December 2017

Maraykanka Oo Ka Hadlay Go’aankii Uu Qaatay Mucaaradka Wadanka Kenya.

August 18, 2017 - Written by Kulmiye

Dowlada Mareykanka ayaa soo dhaweysay go,aanka isbaheysiga Mucaaradka Kenya ee Nasa ay qaateen oo ah in Maxkamada Sare ay Dacwad ka dhan ah u Gudbiyaan Doorashadii dalka Kenya ka dhacday toobaadkii la soo dhaafay.

War Murtiyadeed ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee Magaalada Nairobi oo uu ku saxiixnaa safiirka Mareykanka u fadhiya Caasimada Nairobi Mr. Robet Godec ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu taagerayo in cabashada Mucaaradka Kenya ay qabaan lagu dhameeyo hanaan Maxkamadeed oo waafaqsan sharciga.

Dhanka kale Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in mudo dheer ay saaxiib dhow la aheyd Kenya ayna sii wadeyso sidii lagu xalin lahaa muranada Madaxtinimo ee dalka Kenya Doorashadii ka dhacday.

Warka Ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Nairobi ayaa sidoo kale lagu sheegay in hanaanka Maxkamada Sare ee dalka Kenya ay tahay qaabka Dastuuriga ah ee lagu xalin karo walaaca ay qabaan isbaheysiga Mucaaradka ah ee NASA oo ku aadan in Doorashadii Madaxtinimo aysan u dhicin qaab aan habooneyn.

Dhanka Kale safaarada Mareykanka ee Nairobi ayaa waxa ay ka hadashay wararka sheegaya in Muwaadiniin Kenyan ah dil iyo Dhaawac loogu geystay rabshado ka dhacay Magaalooyinka Nairobi Kisumu iyo goobaha kale oo ay Mucaaradku ku xoogan yihiin kadib markii 11-kii bishan Gudiga Doorashada ay shaaciyeen Natiijadii Doorashada.

Mr. Godec ayaa sheegay in Kenya ay leedahay Dastuur siinaya dhamaan Muwaadiinta in ay sameyn karaan Dibad bax nabadeed ayna Dowlada Mareykanka ka xun tahay dhibaatada soo gaartay Dibad baxayaasha taageersanaa Mucaaradka.

Dowlada Mareykanka ayaa Dhanka kale Ku boorisay saraakiisha amniga in aysan xoog u isticmaalin ayna ilaaliyaan nolosha iyo hantida Dadweynaha.

Safiirka Mareykanka ee Magaalada Nairobi Mr Robet Godey ayaa ugu baaqay Gudiga Madaxa Banaan ee baara Tacadiyada ay galaan Booliska ee loo Yaqaan IPOA) in ay baaritaan ku sameeyaan saraakiisha lala xiriiriyay in ay Tacadiyada dadweyne galeen kadib Doorashadii ka dhacday Kenya.

Ugu dambeyn Safiirka Mareykanka u fadhiya Magaalada caasimada ee Nairobi ayaa soo dhaweyay hadalka Madaxweynaha la doortay ee Kenya iyo hogaamiyeyaasha kale ee dalkaas oo ku aadan in laga shaqeeyo Midnimada shaqsi kasta oo Kenyan ah ay Masuuliyad ka saaran tahay in uu ka shaqeeyo midnimada.

C/qani Maxamed,Radio Risaala, Nairobi.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI