Thursday 21st September 2017

Madaxweyne Farmaajo Oo Amray In Baaritaan Lagu Sameeyo Carruur iyo Haween La Weeraray

August 23, 2017 - Written by Kulmiye

Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Somaliya ayaa amar ku bixiyay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo cidii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Qoyska Xasan Cabdi Cawad oo ah gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaasi oo caruurtiisa gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay 15-kii Bishan Degmada Hodan.

Mid ka mid ah Caruurta ayaa geeriyooday, halka laba kale oo xaaladooda caafimaad ay liidato shalay dalka dibadiisa loo qaaday, kadib markii mid ka mid ah caruurta dalka wax looga qaban waayay Koomana uu ku jiray.

Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay falkaasi in aanan sidaasi looga hari doonin oo Dowladda Soomaaliya ay ku sameynayso baaritaan dhab ah.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inuu si adag amar ugu bixiyay baaritaanka xasuuqa loo gaystay qoyskaasi oo illaa hadda aanan la ogeyn cida ka dambeysay falka lagu rasaaseeyay.

Qoyskan oo gaari yar wada saarnaa ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Isbitaalkii Digfeer ee Degmada Hodan, waxaa halkaasi ku geeriyooday saddex, halka Afar kalena dhaawac uu soo gaaray, Kooxaha hubaysan ayaa watay  gaari yar.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI