Sunday 17th December 2017

Madaxweyne Caan ah Oo Dhaqaale Badan Ku Bixiya Qurxinta Jirkiisa.

August 27, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron , ayaa dhaqaale aad u badan ku bixiya qurxinta jirkiisa, waxaana arintan si weyn u hadal haya Warbaahinta dalka Faransiiska oo siyaabo kala duwan uga hadlay.

Emmanuel Macron ayaa an bishii May ee sanadkan 2017 waxa uu qurxinta jirkiisa ku qarash gareeyay lacag dhan 26,000 oo yuuro, waxaana dhaqaalahan ina badan qaadanayay dad u qaabilsan Madaxwenaha dhinaca qurxinta .

Wargayska Le Point ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in lacag aad u badan ku baxdo Qurxina Madaxwenaha Faransiiska gaar ahaan qurxina jirkiisa iyo waliba wajiga, waxaana qurxinta u xil saaran dad ku xeel dheer dhinaca qurxinta.

War kasoo baxay Aqalka Madaxtooyada dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in ay jiraan qarashaad ku baxa qurxinta Madaxweynaha balse aysan dhameyn tirada lacagta la sheegay, wakaalada France Info ayaa ku warantay in lacagta hada ku baxdo qurxinta Macron ay wax badan ka yartahay tii ku bixi jirtay Madaxdii ka horeesay.

Nin gacan yare u ah Madaxwenaha Faransiiska ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo yareyn lahaa qarashka badan ee ku baxa qurxinta Madaxweynaha dalka Faransiiska ah oo nin dhalinyaro ah kana mid ah Madaxda ugu da’da yar caalamka.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI