Thursday 21st September 2017

Madaxweynaha Turkiga Oo Eedayn Kulul U Jeediyey Madaxda Dalka Jarmalka.

August 19, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxwenaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan, ayaa weerar afka ah ku qaaday hogaamiyaasha talada dalka Jarmalka haya, waxa uuna ku tilmaamay in ay yihiin dad cadow ku ah dalka iyo dadka Turkiga.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha dalka Turkiga dadka asal ahaan kasoo jeeda Turkiga ee kunool dalka Jarmalka in aysan codkooda siin doorashada soo socota hogaamiyaasha dalka Jarmalka gaar ahaan xisbiga taalada dalkaasi haya.

Rajab Tayib Erdogan, ayaa ku eedeeyay xisbiyada ka jira dalka Jarmaka gaar ahaan xisbiyada Christian Democrats [CDU], Social Democrats [SPD], iyo Green Party in ay yihiin kuwa cadow ku ah dalka Turkiga.

Dalka Jarmalka ayaa lagu wadaa in doorashada guud ka dhacdo 24-ka September ee sanadkan, waxaana doorashadaasi codkooda ka dhiiban doona dad ku dhaw hal Milaan qof oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga balse heesta dhalashada Jarmalka.

Xiriirka u dhaxeeya dalalka Jarmalka iyo Turkiga ayaa aad u xumaaday tan iyo waxii ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga, waxaana Madaxweyne Erdogan ku eedeeyay in Jarmalka soo dhaweeyeen askar qeyb ka aheed afgambigii fashilmay.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI