Thursday 21st September 2017

Kuuriyada Waqooyi Oo Mar Kale Tijaabisey Gantaal Ka Caraysiiyey Maraykanka.

August 26, 2017 - Written by Kulmiye

Militariga dalka Mareykanka ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal oo ah nooca riddada gaaban.

Gantaladan ay riday Xukuumada Pyongyang ayaa la sheegay inay guul dareysteen.

Sida uu sheegay milatariga mareykanka labo ka mid ah saddexdaasi gantaal ee kuuriyada woqooyi ay tijaabisay ayaa guul darreystay intii ay hawada ku sii jireen, halka midka saddexaadna uu qarxay wax yar uun ka dib markii dhulka laga gamay.

Tijaabadan ayaa la sameeyay saaka aroortii, waxaana si ka duwan tijaabooyinkii hore ee kuuriyada woqooyi ay sameysay bishii luuliyo ee sandkan, gantaaladan ayaanan ahayn kuwa qaaradaha isaga kala goosha balse waxa ay ahaayeen kuwa riddada gaaban.

Horaantii, xukuumadda Pyongyang ayaa shaacisay in ay eegeyso qorsha ah in ay gantaal ku riddo jasiiradda Guam ee dalka Mareykanka balse mareykanka ayaa sheegay in tijaabada gantaaladan cusub aysan wax halis ah ku hayn dhulka mareykanka.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in gantaaladan lagu riday badda dhanka bariga ku taal.

Daandaansigan ugu dambeeyay ee kuuriyada woqooyi ayaa ku soo beegmaya maalmo yar ka dib markii madaxweyne Trump uu sheegay in Pyongyang ay hadda dib uga guraneyso mowqifkeedii qallafsanaa ka dib markii hadallo kulul ay hawada isu mariyeen Washington iyo Pyongyang.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI