Saturday 16th December 2017

Iiraan iyo Sucuudiga Oo Qorshaynaya Inay Dib U Furaan Safaaradohooda.

August 24, 2017 - Written by Kulmiye

Dowladaha Iraan iyo Sucuudiga ayaa heshiis ka gaaray khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeyay labadii Sano ee la soo dhaafay,waxaana ay taas horseedday in labada dal ay xiriirka isu jaraan waxayna arintaasi ay saameen balaaran ku yeelatay gobalka.

Khilaafka Labada Dowladood ayaa Sanadkii hore ka dhashay kaddib markii Sucuudiga uu xukun del delaad ah ku fuliyay Wadaad Shiico ah oo la oran jiray Al-Nimri,waxaana kaddib dad Iraaniyiin ah oo falkaas ka careysan ay dab qabadsiiyeen Safaaradda Sucuudiga ee Tehraan.

Iraan ayaa xilligaas Sucuudiga ku eedeysay in uu hurinayo colaad ka dhan ah Shiicada dalkaas,waxaana kaddib Sucuudiga taageeray inta badan Waddamada Sunniyiinta ah oo xiriirka u jaray Iraan,waxaana ka mid ah waddamaas Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Iraan Maxamed Javad Shariif ayaa sheegay in la soo saaray fiisaha ay labada diblomaasiyiin ee labada dal ku tagayaan dalalkaas,sidoo kalena Ciidda kaddib ay labada dal isla eegayaan dib u furidda safaaradaha Tehraan iyo Riyaadh.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI