Thursday 21st September 2017

Ciidanka Xasilinta Caasumadda Oo Sameeyey Howlgallo Shacab Lagu Qaqabtay.

August 23, 2017 - Written by Kulmiye

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay howlgalo saacado qaatay ka sameeyeen degmooyinka wadajir iyo Kaxda, waxayna howlgalka ku baarayeen xaafadaha iyo goobaha ganacsiga qaarkood.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin  ayaa sheegay in howlgalkaan uu kamid ahaa howlgalada lagu sugayo amniga caasimadda, waxana uu sheegay in ay socdaan baaritanada dadka lagu soo qab qabtay howlgalka, qaarkoodna  waxaa la sheegayaa in lasii daayey.

Ciidamada dowladda ayaa howlgalkaan ku baarayay  gawaarida shacabka iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ee maraya  xaafadaha Howlgalka uu ka socday.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay la wareegtay talada dalka gaar ahaan Bishii May kaga dhawaaqday Muqdisho howlgalka xasilinta Caasimadda oo lagu wareejiyay Ciidamo gaar ah.

Waxaa sidoo kale la xadiday Ilaalada iyo hubka ay wataan Saraakiisha Dowladda,Mas’uuliyiinta iyo sharikadaha gaarka loo leeyahay iyada oo Milatariga laga saaray Caasimadda lagu wareejiyay Ciidamo gaar ah oo loo bixiyay Ciidamada Xasilinta Muqdisho.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI