Thursday 21st September 2017

Cabasho Katimid Xujayda Soomaaliyeed ee Sanadkaan Doonaya Inay Xajiyaan.

August 20, 2017 - Written by Kulmiye

Xujaydan Soomaalida ayaa sheegay lacagta laga qaado  iyo adeega iyo goobaha la geeyaa in aysan isku dhigmin, waxaana ay tilmaameen  hoteeladda ugu jaban aan wanaagsaneyn la dajiiyo taas oo ay barbar dhigeen Xujayda kale oo la dajiyo hotelada ugu wanaagsan oo waliba masaajidka Nabiga lagu dhaweeyo.

Mid kamid ah wariyayaasha kasoo xajiyay dalka Dibadiisa ayaa isbarbar dhig ku  sameeyey xujayda Soomaali ka timid iyo kuwo ka yimid Yurub oo qiimo jaban lagu soo qaado meelo aad u heer sareeyana la geeyo, halka Xujayda wadanka gudihiisa ka timaada lacag badan iyo adeeg aan u qalmin la iskugu daro.

Dhina kale qurbo joogta soomaaldia ee xajka timid ayaa iyagu amaanay sida loo qaabilay iyo adeega wacan ee loo fidiyey, waxeyna sheegeen in ay u mahad celinayaa dadkii soo kaxeeyey, waxaanu yidhi“Anagu waxaanu deganahay masaajidkii Nabiga agtiisa, salaad walba oo ka mida ah waxaanu ku tukanaa masaajidka, hoteelada aan ku jirnaa waa kuwo raaco leh.”

Sheikh Maxamed Haybe oo ka mid ah xujayda soomaaldia ee sanadkan soo xajay ayaa walaac xoogan ka muujiyey soomaalida xujayda ah ee ka taktay wadanka gudihiisa iyo nolosha adag iyo adeeg la’aanta ay wajahayaan marka Xajka gudanayaan.

Dadka xujayda soomaalida ah ayaa laga qaadaa lacag faro badan oo ku dhaw afar kun oo dollar, halka wadamadda jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti qofka xajka tagaya ay kaga baxdo uun kun iyo lix boqol oo doolar, waxaana soomaalida u sii dheer goobaha ugu qiimaha hooseeyo oo la dajiyo iyo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan wakhtiyada ay cibaadaysanayaan.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI