Sunday 17th December 2017

Alshabaab Oo Shaacisay In La Khaarajiyey Sheekh Cali Jabal.

August 21, 2017 - Written by Kulmiye

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay Bayaan si rasmi ah loogu shaaciyey geerida Shiikh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo ahaa Waaligii ama gudoomiyihii Al-shabaab ugu magacownaa gobolka Banaadir.

Bayaanka Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyey in duqeyn ay fuliyeen dayuuradaha Mareykanku dhowaan lagu qaarajiyey Shiikh Cali Jabal.

Al-Shabaab ayaa bayaankooda kaga sheekeeyey waxyaabihii uu kooxdaas u qabtay Shiikh Cali Jabal iyo kaalinta uu kaga jiray dagaalka ay kujla jirto ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

“Maalintii Axadda ahayd oo taariikhdu ku beegneyd 7-dii dul-qacdah 1438h, Isagoo howshiisa heerkii ugu sareysay marinaya, laf dhuun gashay ku noqday cadowga, isagoo ku sugan saldhigiisii la deriska ahaa Wilaayadiisa, waxay isku dayeen dayuuradaha Mareykanka ee fulayaasha ah inay duqeeyaan, markii koowaad wey la weysay hadafka markii labaadna wey la heshay” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Shiikh Cali Jabal uu la geeriyooday wiilkiisa oo la oran jiray Maxamed Amiin 12 sano jir ahaa.

Dowladaha Maraykanka iyo Somalia ayaa dhowaan shaaciyey in duqeyn ka dhacday gobolka Sh/hoose lagu dilay Shiikh Cali Jabal oo ay ku eedeeyeen inuu abaabulay qaraxyo iyo weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho kuwasoo ay ku dhinteen dad fara badan qaar kalena ku dhaawacmeen.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI