Friday 22nd September 2017

Waa maxay saamaynta uu ku leeydahay jidadku kobcinta dhaqaalaha.

July 3, 2017 - Written by Kulmiye

Sidaan ognahay dhaqaalaha waxaa saameeya wax yaal badan, wax yaabahaas waxaa ka mid ah jidadka oo la casriyeeyo.ha ahaadaan kuwo dhex mara magaalada dhexdeeda ama kuwo isku xira magaalo ka magaalo ama gobol ka gobal ilaa wadan ka wadan.

Waa maxay jidadku

Xiliyadii hore dadku markay safrayaan waxay isticmaali jireen lugahooda waxayna waxay ku qaadan jireen dhabarka, xoolo dhaqashada ayaa markii ugu horaysay fududaysay adeegsiga xayawaano awood badan leh kuwaas u sahlay in culays badan ka dhaco bini aadamaka taas oo xayawaan ku fududeeyey qaadisteeda, waxaa kaloo looga faaidaysan jiray in laraaco oo meeshi larabo lagu gaaro.

Ikhtiraacidii taayrada iyo gaari dameerada ama gaari baraf ka waxay fududaysay in si fiican looga faaiidaysto xayawaanka qaybtooda lagu safro waxayna hor dhac u ahayda soo ikhtiraacida baabuurta.

Xiliyadii hore waxaa aad loo isticmaali jiray in lagu safro fardaha iyo dibiyada.

Waxaa xigay wado xadiid ah oo ay samayn jireen xadaaradihii hore.

Soo bixitaankii kacaankii warshadaha  qarnigii 19aad ayaa waxaa aad usoo ifbaxay wadooyi fara badan oo casri halka qarnigii 20aad ay noqdoon kuwo casri ah.

Intee qaab ayaa loo safraa

Guud ahaan waxaa ugu muhiimsan afar nooc oo caan ah waxayna kala yihiin

  • wadada tareenka : wadada tareen waa wado ka kooban laba dhiac kaas oo ku ordo tareenku
  • wadada laamiga ah : waa wado laami ah oo ay badanaa isticmaalaan baabuurta qaybahooda kala duwan marmarka qaarna waxay noqon kartaa jidcade ama xaaaf
  • safarka biyaha : aad waxaa u isticmaala laashashka,doomaha,maraakiibta iyo foolfayaasha waxayn dulmaraan biyaha oogadooda sida biyaha badda,badweynta, webiyada iyo harooyinka.
  • Safarka hawada : kaas oo ah in lagu safro hawada waana wax ku cusub caalamka markii ugu horaysana waxaa la isticmaalay bilawgii qarnigii 19aad. Markii ugu horaysay waxaa hawada loo diray duulimaadkii ugu horeeyey 1903 waxayna duulaysay mudo 12 mirir ( seconds ) ah, laakiin wixii intaa ka dambeeyay waa lagu guulaysay waxaana safarkii ugu horeeyay ee hawada ah la diray 1919 london ilaa paris ka dib markuu dhamaaday dagaal kii koowaad ee dunida       1914-1918.

Seebay u saamaysaa dhaqaalaha puntland  (study puntland )

 

Puntland waa state ka  mid ah somalia waxaan la asaasay sooyaalku markuu ahaa

1-Aug-1998 ku dhowaad 8eed sano ka dib burburkii dawladii dhexe ee somalia.

Puntand waxay gaartay horomaro balaaran oo dhinacyo badan taabanaya.

Meelaha ay horomarada ka gaartay waxaa ka mid aha dhinaca wadooyinka

(transportation). Waxaa suura gashay in horomaro bandan laga gaara dhinanacyada  wadoyinka iyo jidadka waaweyn, nooc walba ay ahaadaanba, sidan kuwa dhexmara maagaalooyinka oo isku xira xaafadaha iyo kuwa waa weyn oo isku xira dalka gudihiisa.

Laga soo bilaabo 2002-2017 waxaa lagu guulaystay in la dhiso jidad fara badan iyo in la casriyeeyo garoomo diyaaradeed ( Air ports ).

 

marka laga fiiriya xagga jidadka ,adeegyada basasku waxay ka shaeeyaan gudaha puntland sida magaalooyinka  Bosaso, qardho , Gorowe iyo laas-caanood. sidoo kale waxaa jira  baabuur  iskaga dhex shaqeeya magaalooyinka puntland.

in ka badan 49000 oo gaari ayay diiwaan galisay wasaaarada hawlaha guud iyo Gaadiidka.

Puntland waxay leedahay waddo  isku xidha maagaalooyinka kala ah Bosaso, qardho, Gorowe ,Galkacyo iyo Laas-caanood, waxayna dherekeedu dhanyahayn750 km.

2012 waxaa dayactir ku samaysamay wadada u dhaxaysa Gorowe iyo Galkacyo  ha’ada PHA, sidoo kale isla sanadkaas waxaa la sameeye dayactiro badan oo wadooyinka ah sida Bosaso iyo Gorowe wadada u dhaxaysa, waxaa kaloo la unkumay wadooyin fara bdan oo dhexmara magaalooyinka puntland.

Dakada ku taala Bosaso oo lasameeyay 1980 ayaa iyadana  labalan  qaaday in balaarin iyo casriyeen lagu sameeyo. waxaa kaloo la isla soo qaaaday casriyaynta dadaka Las-Qoray.

marka la eego dhinaca diyaaradaha waxaa jira diyaarado gudaha ah ( local airlines) oo koonay safro gudaha iyo kuwo dibda ah.sida Djibuuti ,  Addis – Ababa, Dubia iyo Jidda.

waxaa kale oo ay fududeeyeen duulimaadyada lagu tago Xajka iyo Cumrada .

Diyaaradaha ugu caansan waxaa ka mid ah Jubba air ways,  Cosob Air , Daalo Airlines  ku waas oo ka shaqeeya garoomada kala ah Bender Qasim international Air port oo ku yaala  Bosaso iyo Abdullahi Yusuf Axmed Air port oo ku yaala Galkacyo. 9/2013 waxaa la isku afgartay casriyaynta iyo balaarinta garoon Bosaso iyada oo meesha ay diyaaraduhu ku ordaan ( Runway ) ladheeraynayo

1800m-2650m balacana  la balaarinayo 30m-45m.

puntland waxay samaynaysay koboc dhaqaale wixii ka dambeeyey burburkii dawladii militariga ahayd  xiligaas oo loo yaqaanay gaari-waa. sidaa daraadeed waxaa muuqata in jidadka, dakadaha iyo garoomada diyaaradaha ay ka qayb qaataan hormarka dhaqaalaha.

shaqooyinka  jidadka casriga ah

  1. jidadka casriga ah waxay ka qayb qaataa koboco warshadaha yar yar oo wax soosaarkoodu abaahanyahay suuq gayn dhakhso ah.
  2. jidadidka casriga ah waxay kor uqaadaan dalabka alaabta.
  3. jidadka casriga ah waxay u faa’ideeyeen beealayda meelo fagfog dagan oo ka fog suuqa.
  4. jidadka casriga ah waxay lid ku yihiin waqtiga ku dhuma sooqaadida alaabta.
  5. jidadka casriga ah waxay ka qayb qaataan fariisinta qiimaha ( stabilization of price )
  6. jidadka casriga ah waxay keenee tartan suuqa  ah ( competition ).
  7. jidad casriga ah waxay fududeeyaan is dhex gooshka shaqaalaha.
  8. jidadka casriga waxay suura galiyaan in ay dadku helaan wax aan dalkooda laga soosaarin.
  9. jidad ka casriga ah waxay suura galiyaan in alaabta la helo xiligii loo baahnaa.

TRANSPORT KA PUNTLAND MARKA LAGA EEGO XAGGA BAABUURTA.

 

ugu horayn waxaa muhiim ah in la ogaado noocyada ( jaadadaka ) ka shaqeeya puntland gudaheeda.

Run haantii  waxaa jira noocyo (jaadad ) badan ku waas oo ka dhex shaqeeya puntland, waxay iskugu jiraan kuwo waa weyn iyo kuwo yar-yar waxaana loo adeegsadaa in ay u qabtaan shaqooyin kala duwan mujtamaca iyada oo laga eegayo xagga cabirkaama qaadka .sida  guud  buubuurta xammuulka ah waxay qaadaan alaabta  iyo badeecadda iyaga oo iskaga kala gudbinya magaalooyinka dalka.

xagga baabuurta yar-yar loo isticmaalo in ay qaadaan rakaaba . si kastaba ha ahaatee buurbuurtu dowr muhiim ah ayay ka ciyaaraan kobcinta dhaqaalaha puntland.

shaxda (1 ) waxay na tusaysaa diiwaan galinta baabuurta

Year               Car /jeep     Pick  up/min     Large Bus

Bus

Trucks
4-5            6-8         12-24T        12-24T     3AXLES    4AXLES    Heavy

Tones       Tones    With   no    With                                                Machi

Trailer        Trailer                                            nes

1999                191               172                     146                 179                0                138                   137                111                  61                    0
2007                305               102                     0                     436                47              74                     6                    1                      0                      0
2012                370               254                     0                     326                99              70                     3                    0                      0                      2
Total              866               528                     146                 941                146            282                   146                112                  61                    2
percentage     26.8%          16.34%              4.5%              29.1%           4.5%         8.73%              4.5%             3.5%               1.9%               0.1%

xogtan waxaa laga soo aruurriyay 1999, 2007 , 2012 , waa sarfeey ( survey ) ay sameeyeen traffic . sarfeeygan ( survey ) waxaa laga sameeyey wadada u dhaxaysa Galkacyo-Gorowe si loo qiyaaso tirade baabuurta istimaashay ( ku safartay ) wadadaas.

xogta ku jirta jadwalka sare oo ka hadlaysa buubuurta waxaa look ala saaari karaa toban nooc sida soo socota.

  • Car/jeep: noocaan waxuu iskugu jiraa noocyada baabuurta yar-yar oo dhan oo ay ka mid yihiin Land cruise, MarkII, Surf , iyo kuwa kale oo badan tiradooduna waxay ku dhawdahay 866 gaari.
  • pickup/minibus: noocaaan waxaa ka mid ah baabuurta loo yaqaan pickup iyo  buses ka yar-yar tiradooduna waxay ahayd baabuurtaas 528
  • large bus : tirade bus ka waaweyn waa 146
  • ( 4-5 ) tones : tirade gawaarida tones kooda uu u dhaxeeyo 4 iyo 5 waa 941
  • ( 6-8) tones : baabuurta 6-8 tones waa baabuurta loo yaqaano sideed Boole badanaana waxay qaadaan badeecadda iyo xoolaha noo tiradooda  waa 146.
  • ( 12-24 )T  aan lahayn trailer ( qayb dambe ) waa baaabuur waa weyn waana 12-14 tones  tiradoodana waa 282.
  • ( 12-24) with trailer : waa baabuurta loo yaqaan indha-tareega waxayna lee yihiin

12-24tones.

  • 3axle vehicles : baabuur la dhaho 3axle waa baabuurta waaweyn tiradoodana waa 112.
  • 4axle vehicles : waa qeybta ugu waa weyn shaxda tiradooduna waa 61.

(10). Heavy machines : mashiinada calculus waa cagafcagaf yada ku waas oo loo isticmaalo Qodida dhulka, Qaadida waxyaalaha culus, Beeraha iyo wixii lamida tiradoodu waa 2

Jaan tuska sare waxa uu natusayaa noocyo ( jaadad ) kala duwan oo baabuur ah kuwaas oo ka shaqeeye gudaha puntland

Baabuurta loo yaqaan car/jeeb waa 26%, xagga baabuurta loo yaqaan pickup/minibus ay yihiin 16.34%. sidaas oo kale busaska waawyen waa 4.5%. baabuurta 4-toons waa 29.1%  waana kuwa ugu badan basasku marka loo eego baabuurta ku jirta jaan-tuskan, Baabuurta 6-8tones  waa 4.5%  sidoo kale

12-24tones  aan lahayn qaybta dambe iyo 12-24t oo leh qayb dambe

( indha-teree ) waa 8.73% iyo 4.5% sida ay ukala horeeyaan. dhinaca kale 3Axles ku waa 3.5% , sidaas oo kale Axles iyo  mashiinada calculus  waa 1.9%  iyo  0.1% sida ay u kala horeeyaan.

xiriirka ka dhaxeeye helida jidad casri ah iyo hormarinta dhaqaalaha.

jidadka, garoonada diyaaradah iyo dakaduhu waa meelaha ugy muhiimsan kaabayaasha dhaqaalaha .

baabuurtu waxay uga qayb qaataan hormarinta dhaqaalaha wadanka siyaabo badan, waxxay qaadaan alaabta iyo rakaanka iyaga oo ka qaadaya meel ilaaa meel kale , waxay shaqo abuur u tahay dad fara badan puntland gudaheeda, darawalada baabuurta iyo shirkadaha safarada qaabilsan waxay dakhli ka helaan baabuurta ay ku shaqaystaan  sidoo kale waxaa dakhli ka hela dawada iyaga oo bixiya cashuur. si kastaba ha ahaatee jaantuskan hoose ayaa muujinaya sida baabuurta noocyadeeda kala duwan loo cashuuro, iyada oo loo eegayo tankooda iyo awoodooda.

Horse Power(HP) Road Tax Stamp Tax Total Tax
$ $ $ Percentage (%)
HP 24

Land cruise

Land rover

3f&4f

Nissan petrol

60 1.2 61.2 21
HP 21

Surf Hilux Prado

Toyota 4×4

44.8 0.9 45.7 15.7
HP 18

Mark II Separated bus

29.4 0.6 30 10.3
HP 14

Bus jiir

Mark II Saloon

Chaser

Mitsubishi

22.4 0.45 22.85 7.9
Trucks

1Ton

2Ton

3Ton

4Ton

6Ton

8and12Ton

Vehicle with lifting and

Vehicle with water tank

5.5

12.6

9.6

25

42

6

25.5

0.1

0.25

0.4

0.5

1.5

1

1.3

5.6

12.85

10

25.5

43.5

7

26.8

1.9

4.4

3.4

8.8

14.9

2.4

9.2

Total 291 100%

Baabuurta canshuurta lagaqaado waxaa loo qaybiyaa kooxo si loo dulsaaro canshuur ku haboon . babuurta  ( HP24 ) oo ay ka mid yihiin lad cruiser. 3F, 4F, Landover waxay bixiyaan 61.2 taasoo oo u dhigangta 21% canshuur bixiyaashu dawlad, waana kan ugu badan.markii loo barbar dhigo baabuurta kale, maxaa yeelay land cruiser ugu badan waxay u shaqeeyaan NGO iyo United Nation waxayna ka helaan dakhli fara badan. nooca ku xiga waa HP21 waxayna bixiyaan $45.7  waxayna u dhigantaa 15.7%  guud ahaan canshuurta la bixiya.

waxaa ku xiga baabuurta HP18 waxayna bixiyaan $30 waxayn u dhigantaa 10.3%  guud ahaan canshuurta la bixiyo.  sidoo kale  baabuurta  HP14  waxay bixiyaan $22.85 kaas oo dhigma  7.9%  guud ahaan canshuurta. sidoo kale cagafcagafyada tankoodu yahay 1 waxay bixiyaan $5.6 waxayna u dhigantaa 1.9% guud ahaan canshuurta. sidoo kale cagafcagafyada tankoodu yahay 3tones iyo 4tones  waxayna bixiyaan $12.85 iyo $10 taas oo u dhiganto 4.4% ito 3.4% sida ay isugu xigaan.

cagafcagafyada tankoodu yahay 4tones iyo 6tones  waxay bixiyaan  $25.5 oyo $43.5 waxayna udhigantaa 8.7%  iyo 14.9%  sida ay u kala horeeyaan.

8-12tones cagafcagfyada ah  waxayna bixiyaan $7 waxayna u dhigantaa 2.4% guud ahaan canshuurta baabuurta, waana kuwa ugu waweyn.

ugu dambyntii wiishka iyo booyadaha waxay bixiyaan $26.8 taas oo u dhiganta 9.2%

fiiro Gaar ah

xadiga canshuurta ee lagu soo rogo baabuurta laguma fariisin oo kaliya tankoooda iyo qaadkooda waxaa kaloo saamaynaya nooca baabuurka

GABAGABO

qoraal kan waxaan ku qoray sidaan u ogaado xiriirka ka dhaxeeya jidadka casriga ah iyo hormarinta dhaqaalaha puntland. iyada oo aan ognahay in jidadka oo la casriyeeyo ay door muhiim ka ciyaaraan dhaqaalaha, maxaa yeelay waxay fududeeyeen isu-socodka kaabayaasha dhaqaalaha. jidad la’aan dhaqaalahu uma shaqayn karo si wanaagsan.

puntland gudaheeda waxaa jira baabuur badan ku waas oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya gudaha puntland iyaga oo ka qayb qaata kobcinta dhaqaalaha dalka.

waxay dadka iyo alaabaha isaga dhex qaadaan gudaha puntland ku waas oo u abuura shaqo dad badan oo shaqo l’aan ah sida darawalada, sidoo kale waxay dakhli soo galiyaan dawlada kuwaas oo bixiya canshuur, dabdeena dawladu ay kharashaadkeed keeda iskaga bixiso.

Tala soo jeedin

 

  1. baabuurta aad ka u fara badan una xoogga badan ee ee puntland ka dhex shaqeeya ma haystaan wadooyin dayac-tiran , sidaa darteed waa in dawladu ay hagaajisaa oo dayac tirtaa wadooyinka puntland si loo helo jidad casri ah oo fududeeya is dhex goosh ka dhaqaalaha.
  2. dawladu waa in ay hir galisaa basas (buses ) waa weyn oo u shaqeeya tax ahaan magaalooyingka dhexdooda, maxaa yeelay wxay qaadi karaan dad fara badan, sidoo kale waxay ka qaadayaan lacag yar dadka xagga ay basas ka yar ay ka qaadaan shacab lacag fara badan.
  3. hadii ay siyaadaan baabuurta raaxda waa in ay dawladu saartaa canshuur badan sababtoo ah waxay keenayaan saamayn dibadeed oo xun ( negative wxternality ) waxayna badinayaa dikhawga hawada kaas oo keeni kara cuduro.
  4. qaab dhismeed ( town plan ) waa in loo yeelaa magaalooyinka puntland waxay ka caawinaysaa in ay san dhicin zaxmad ama jamm.
  5. waa in ay wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidku ay siisaa darawalada laysin darawalimo ( license ) si loo yareeyo shilalka loo badbaadiyo naf iyo maalba
  6. wadooyinku waxay ka qayb qaataan bilicda iyo qurxoonaanta magaalooyinka hadaba dawladu wa in ku dadaashaa ilaalintooda xagga nadaafadda iyo ku beeridda hareeraheeda dhir.

Tix-Raac

Gibbons, S. and Overman, H. G., (2009). “Productivity in transport evaluation studies”, Report for Department of Transport, London.

mowliid  ( 2016 ) transportation and economic growth

Holl, A. (2006). “A review of the firm-level role of transport infrastructure with implications for transport project evaluation”, Journal of Planning Literature 21 (1): 3-14.

McKinnon, A, (1995), The Contribution of Road Construction to Economic Development, paper prepared for T&E workshop on roads and the economy.

Parkinson, M, (1981), “The Effect of Road Investment on Economic Development in the UK” government Economic Service working paper no.43, Department of Transport

Qoraalkan waxaa qoray

Arday dhigta jamaca puntland state university

Magaca : Cabdulahi Maxamud Aadan

kulliyadda : dhaqaalaha ganacsiga iyo tirokoobka

Waaxda :  dhaqaalaha

Email : ganaay2002@gmail.com

Tell: 00252907279521

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI