Saturday 16th December 2017

Ra’iisul Wasaare Caan ah Oo Booqday Qoys Wiil U Dhashay Kadib Maxaa Dhacay

July 17, 2017 - Written by Kulmiye

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa qaabilay waji farxadeedna kusoo dhaweeyay qoys Siiriyaan ah oo qaxootinimo ku tagay dalkaasi, Qoyskan ayaana wiil yar oo u dhashay waxa ay ugu magac dareen Justin Trudeau .

Qoskan Siiriyaanka ah ayaa go’aansaday in wiilkooda ugu magac daraan Ra’isul Wasaaraha dalka Canada si ay ugu mahad celiyaan maadaama dalkiisu qaabilay magan galyana siiyay, waxa ayna go’aan sadeen Aabaha iyo hooyada dhalay wiilkan in magaca Wiilkooda ku sharfaan R/Wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Justin Trudeau ayaa munaasabad ka dhacday Calgary Stampede ku qaabilay qoyska dhalay Wiilkan yar ee loogu magac daray, waxaana Ra’isul Wasaaraha uu xumbaarsaday wiilka yar ee magaciisa loo bixiyay xili uu hurdayay, waxa uuna muujiyay sida uu ugu farax san yahay in wiilkan loogu magac daray.

Justin Trudeau Adam Bilan ayaa bishii May ee sanadkan ku dhashay magaalada Calgary ee dalka Canada, waalidiinta wiilkan dhalay oo ka qaxay colaada dhiiga badan ku daatay ee ka socota dalkooda Siiriya ayaa qaabilaad waxa ay ka heleen dalka Canada ay hada kunool yihiin.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI