Saturday 29th July 2017

Maxaa Ka Soo Kordhay Warqaddii uu X.Cabdulqaadir Cosoble U Gudbiyey Farmaajo.

July 16, 2017 - Written by Kulmiye

Warqaddii uu guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda baarlamanka xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble uu u diray madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa ka daba yimid war cusub oo ah in warqaddaas ay ahayd mid aan la isku raacsaneyn.

Warqaddan oo uu madaxweyne Farmaajo u diray guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda baarlamanka Soomaaliya xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, ayaa lagaga horyimid go’aanka dhexdhexaadnimo ee dowladda ay ka qaadatay xiisadda dalalka Carabta, oo sida la sheegay ula muuqday mid aan wanaagsaneyn.

Waxaa warqadda lagu sheegay in go’aanka dowladda uu dhaliyey “walaac iyo walwal” ay ka qaadaan qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka.

Xildhibaan codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in warqaddaas aan marnaba lagala tashan xubnaha guddiga, islamarkaana uusan jirin go’aan la isku raacsan yahay oo ku saabsanaa in madaxweynaha loo diro.

“Warqaddan waxaan ka arkay kaliya warbaahinta, ma jiro go’aan guddiga uu ku gaaray inaan faro-gelino go’aanka ay xukuumaddu ka qaadatay xiisadda carabta” ayuu yiri xildhibaanka

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI