Friday 22nd September 2017

Madaxweynaha Jubbaland,”Barlamaanka Soomaaliya Waa Ka Duwanyahay Kuwii Hore”.

July 15, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad magaalada Kismaayo loogu qabtay wafdiga gollaha xukuumada federaalka uu horkacayay ra’iisal wasaare Kheyre, ayaa fariin u diray u diray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya yihiin kuwo wax badan ka duwan sida uu hadalka u dhigay xildhibaannadii ka horeeyay, isaga oo sheegay in mid walba oo ka mid ah kursiga ku taggay codka 51 qof oo ka tirsan Reerkiisa.

“Marka hore waxaa wanaagsan in aan ogaano baarlamaanka10aad ee waqtigan shaqeynaya waa mid ka duwan kuwii hore, oday ma soo qorrin, maamul gobolleed ma keensan, mid walba oo ka mid ah waxaa uu meesha ku yimid codka 51 oo qof ka tirsan Reerka uu kursiga ku matalayo, sidaa daraadeed waxaa ay ka dhigan tahay in lala xisaabtamayo oo haddii ay wax qaldamaan xildhibaan walba dib loogu yeeri karo deegaankii laga soo doortay’’ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Xukuumada uu hogaaminayo ra’iisal wasaare Kheyre ayuu ugu Laab-qaboojiyay in aysan jirin baqdin weyn oo laga qabi karo xildhibaannada baarlamaanka oo sida uu sheegay u badan rag dhalinyaro ah oo u damqanaya Qarannimada.

“Waxaa iska jira dhaqan soo jireen ah oo lagu bartay baarlamaannadii hore, laakiin waxaa is leeyahay baarlamaanka Soomaaliya ee xiligan shaqeynaya waa mid ay ka buuxaan dhalinyaro Aqoonyahanno u badan oo raba in horay loo socdo, marka waxaan leeyahay ma jirto baqdin badan oo hadda iyaga laga qabi karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI