Wednesday 22nd November 2017

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Oo Internetkii U Soo Laabtay.

July 17, 2017 - Written by Kulmiye

Muddo 23 maalmood kadib ayaa waxaa qadka internet-ka dib looga helay Koonfurta Soomaaliya, kadib markii Fiiladii Internet-ka 24-kii Bishii hore uu jaray markab. Maqnaanshaha Qadka Internet-ka ayaa wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.

Dowladda Somaliya oo juhdi badan ku bixisay sidii loo sameyn lahaa qadka Internet-ka ayaa ugu dambeyn maanta oo Isniin ah waxa ay ku guulaysatay sameynta Qadka Internet-ka inkastoo uusan aheyn sidii hore.

Shaqooyinka muddadii uu maqnaa qadka Internet-ka gaabka galay waxaa ka mid ah, bixinta Baasaboor Somaliga oo adeega Internet-ka lagu bixin jiray, shaqooyinka xawaaladaha, Idaacadaha iyo Hay’adaha NGO-yada ah.

Dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ayaa isugu hambalyeynaya dib u helida addeega Internet-ka ee Xawaaraha dheereeya oo muddo 23 maalin ah ka maqnaa Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya. Internet-ka ayaa ka mid noqday waxyaabaha dadka aduunka ku nool hadda ay toos ugu wada xiriiraan, maadaama aalado kala duwan oo casri ah lagu isticmaalo sida Facebook, Viber, IMO iyo qadad kale oo Bulshada ay ku wada xiriiraan.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI