Wednesday 22nd November 2017

Ciidanka Ammaanka Oo Howlgallo Dad Lagu Qaqabtay Ka Sameeyey Muqdisho

July 17, 2017 - Written by Kulmiye

Ciidamada amaanka ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen labo nin oo hubeesan, kuwaa oo ku labisnaa dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Ragan hubeesan ee Ciidamada amaanka qabteen ayaa la sheegay in dhibaato ku hayeen shacabka ku dhaqan Degmada Xamar Weyne, waxaana ragan oo ahaa burcad ay dhac u geesteen dad kala duwan oo kunool Degmada Xamar Weyne
.
Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Weyne, Xasan Duulane Xersi ayaa Warbaahinta u sheegay in burcadan hubeesan lasoo qabtay iyaga oo dhac ka waday Degmada Xamar Weyne, waxa uuna intaa raaciyay in ragaasi laga helay moobeelo iyo dahab ay soo dhaceen.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ragan burcada ah lasoo qabtay mid kamid ah uu katirsan yahay ciidanka Milatariga Soomaaliya halka ninka kalana uu ahaa nin shacab burcad ah oo wada shaqeyn kala dhaxeysay askariga Milatariga.

Labadan nin iyo hubkii ay wateen ayaa lagu xiray saldhiga Degmada Xamar Weyne, waxaana taliyaha saldhiga Degmada Xamar Weyne sheegay in ragaasi burcada ah la horgeyn doono maxkamada si cadaalada loo marsiiyo.

Magaalada Muqdisho waxaa ka howlgala Burcad mararka qaarkood soo xirta dareeska ciidanka dowlada kuwaa oo dhibaato ku haya dadka shacabka ah, waxa ayna burcadan xiliyada qaark dadka ku dhacaan gawaari iyo mooto bajaaj.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI