Tuesday 17th October 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xaflad Soo Dhowayn Ah Loogu Sameeyey Magaalada Oslo

May 17, 2017 - Written by Abdirashid Jibril

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd16/5/2017 loogu sameeyey xaflad soo dhoweyn ah magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey.

Xafladan lagu soo dhoweynayey Madaxweynha Dawladda Puntland  oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Oslo, halkaasi oo iyana ay kala soo qayb galeen dad badan oo ka yimi jaaliyada wadamada derinka la ah sida Denmark iyo Sweden.

Madashii lagu qabtay xaflada soo dhoweynta ah ee lagu maamuusayey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa iyana waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyayaasha jaaliyadaha iyo wakiilada Dawladda Puntland ee dalalka, Denmark, Finland, Belgium iyo dalakaasi Norwey oo iyaga marti loo ahaa.

Sidoo kale waxaa xafladani iyaguna qayb weyn ka ahaa Fanaaniinta reer Norwey iyo weliba bahda saxaafada oo iyagu si  toos ah u tibinasay barnaamijkii iyo maamuuskii ay xanbaarsanayd xafladii xalay ka dhacday magaalada Oslo,

Dhinaca  kale waxaa intii ay socotay xafladu ka hadlay oo eroyo koo kooban ka jeediyey fagaarahii laysugu yimi Wasiiro, Xildhibaano, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanda, siyaasiyiin, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, iyo siyaasiyiin ka tirsan ururada siyaasadeed ee dalka Norwey, xubnahaas oo dhamaantood si isku mida uga hadlay adkaynta amniga iyo horumarinta Puntland iyo sidii DawladdaPuntland loogala shaqayn lahaa siyaasada ku aadan maalgashiga iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee hawsheedu sida baaxada leh usocdo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gebagebadii kulanka soo afmeeray ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyey Jaaliyada Soomaalida Norwey, isagoo welibana mahad gaara nu naqay Jaaliyada Puntland ee wadanka Norwey iyo weliba Jaaliyadaha kale ee reer Puntland ee Wadamada kale uga yimi si ay usoo dhaweyaan Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

”Puntland waxay qaaday dhabahii horumarinta, waxaan xooga saaraynaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo hurumarinta waxabarashada iyo caafimaadka, waxaan ka shaqaynaynaa sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah, waxaan ku dedaalaynaa in la helo cadaalad qofkasta ku qanci karo, illaahay keliya ayaa cadaalad bixin kara, balse waxaan ku dedaalaynaa in Puntland sida ay u dhisan tahay u ekaato, waa taas taan rabaa, Gudoomiyaha Baarlamaankana ugaga codsaday in dib loo furo Baarlamaanka oo dadka ka maqani ay ku soo biiraan oo ku yeeshaan cid metesha, waxaan doonayaa in Puntland ay ka wanaagsanaato berrito halka ay maanta taagan tahay, in hore loo socdo ayaan rabnaa, idinkana Soomaalidiina qurbo joogta ah waxaa la idinka rabaa inaad dedaashaan, waan ogahay inaad qayb weyn ka qaadataan hurimarka Soomaaliya, midna waa iga dardaan, dardaarankaasina waxuu yahay inaad ubadkiina Diinta iyo dhaqanka bartaan, waayo way ku adkaan doontaa inay iyagu ugu buseelaan Soomaaliya sida aad idinku ugu boholyoobaysaan oo bogiinu utebayo” ayuu yidhi Madaxweyna Dawladda Puntland”

–DHAMMAAD–                                                                                                  

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI