Tuesday 23rd May 2017

DAWLADDA PUNTLAND OO HESHIIS LA SAXIIXATAY DAWLADDA KENYA.

May 18, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Mustafe Siciid Shabac, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Goleyaasha Dawladda ee Madaxtooyada Siyaad Xusseen Mursal, Guddoomiyaha Jamaacadda Puntland State University Maxamuud Shiikh Xaamud iyo saraakiil ka socota Xafiiska Xiriirka Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda (Puntland Capacity Injection Project-CIP) ayaa maalmahaan hawlo shaqo u jooga waddanka Kenya

Ujeedka safarka wafdiga Puntland ayaa salka ku haya sidii ay Dawladda Puntland heshiis iskaashi dhinaca tababaradda shaqalaha ah ula soo saxiixato Dawladda Kenya gaar ahaan Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya (Kenya School of Government).

Heeshiiskan ayaa shaqaalaha Dawladda Puntland u ah fursad ay kor ugu qaadaan aqoontooda, gaar ahaan waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii  maamulka sare ee hay’adaha dawladda oo ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha hay’adaha madaxa bannaana, agaasimayaasha guud, agaasime waxeedyada iyo madaxda kale ee Dawladda ay u heli lahaayeen fursad ay aqoontooda iyo xirfadooddaba ay kor u qaadaan (Executive Leadership Training).

Waftiga ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu sarraysa ee Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya waxayna kawada hadleen sidii loo tayayn lahaa korna loogu qaadilahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Dawladda Puntland, sidoo kalena loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Kenya.

Madaxa Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee Dalka Kenya  Dr. Ludeki Chweya ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyey wafdiga Puntland waxana uu aad ugu dheeraaday ahmiyadda ay u leedahay shaqaalaha Puntland ka caawiyaan dhinacyada tababarrada iyo tayaynta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha.

Gebagebadii kulanka ayay labada dhinac heshiis ku kala saxiixdeen iyadoona dhanka Puntland uu heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle halka dhinaca Kenyana uu u saxiixay Agaasimaha guud ee mac-hadka tababarka dalkaasi Dr. Ludeki Chweya.

Ugu danbayntii, dhammaan heshiisyadani waxay gundhig u yihiin asaasidda Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Puntland oo ay ku hawlantahay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dawladda Puntland.

—Dhammaad—

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI