Saturday 19th August 2017

Boqolkiiba 30 Kamid ah Canshuurtii Qaranka Soomaaliyeed Oo La Lunsaday.

May 18, 2017 - Written by Kulmiye

Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan shaqaalaha oo muddo labo cisho ah oo Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo labo cisho canshuurta jaadka ku kordhiyey $34,000 dollar.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Furdada ee garoonka Aden Adde ayaa yiri “muddo labo cisho ah canshuurta laga qaaday Jaadka soo gaara Muqdisho uu dhammaa in ka badan $130,000 tanoo u dhiganta koror ka badan $34,000 oo u dhiganta $550.000 bishii inaan la ogeyn meeshii ay aadi jirtey.

“Waxaa muuqata in 30% canshuurtii saxda ahead in la lunsaday oo aan la ogeyn meel ay ku baxday. Lacagtaas aan sida sharciga ah loo xareyn ayaa looga faa’iideyn karay in mushaar $100 lagu siiyo in ka badan 5000 askar ah.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in ay jiri doonto baaris iyo isla xisaabtan dhab ah si loo joojiyo musuqmaasuqa baahsan ee jira.

Mas’uuliyiinta booqatay xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ammaanay maamulka cusub ee Furdada oo la dagaalay musuqmaasuqa isla markaasna badbaadiyey in ka badan $34,000 muddo labo cisho oo ay maamulka la wareegeen. Waxeyna ku dhiirigeliyeen inay dadaalkooda sii wadaan, dowladdana ay diyaar u tahay inay abaal-mariso shaqaalaha iyo maamulka la dagaala musuqmaasuqa si dalka looga joojiyo musuqmaasuqa jira.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI