Saturday 19th August 2017

Aafada Dhaqaale, Bulsho iyo Deegaan ee Abaarta iyo Sida Looga Hortegi Karo.

April 11, 2017 - Written by Kulmiye

 

Hor-dhac

Abaar waxaan ku qeexi karnaa waa xaalad biyo yaraan oo ay qallalaan wax kasta oo qoyanaa.

Waa xaaladda nolasha wax kasta oo nooli ay galayso qiil-qiil: dhirta oo qallasha, xayawaanka oo baad la’aan ku dhacdo sabatoo ah wuxuu ku xidhan yahay si toos ah geedaha iyo dhirta, bini aadamka oo nafahooda u yaaba oo ay ku adkaato intooda badan inay xammilaan abaarta kulaylkeeda taasoo ku sababta qaybo badan oo bulshadaas ah inay u tabcaamaan halisna u galaan cudurro ka dhashay abaarta ku dhufatay geyigooda la socoo  dadkuna waxay si toos ah iyo si aan toos ahaynba ugu xidhan yihiin dhirta.

Si toos ah bay ugu xidhan yihiin dhirta iyagoo adeegsada kuna nool waxyaabo badan oo si toos ah uga yimaada dhirta sida qudaarta, iyo inta badan raashinka ay cunaan bini aadamku

Waxay ugu xidhan yihiin si dadban oo waxay u sii marayaan xoolaha, sababtoo ah xooluhu waxa ay daaqaan dhirta, dadkuna waxay si toos ah ugu xidhan yihiin xoolaha.

Waxaan qormadaan kooban kaga hadli doonaa saamaynta abaari ku yeelato bulsho anigoo ku dabbaqi doona bulshadeenna soomaliyeed kana shidaal qaadanaya abaarta haatan ku barraahsatay geyigeenna soomaaliyeed.

Waxaan iska taagi doonaa dhawr dhinac anigoo dhinac kasta uga hadli doona gaar ahaantiisa.

Waxaan xoogga saari doonaa saamaynta dhaqaale ee abaartu leedahay anigoo soo qaadan doona tusaalooyin xaqiiqada iyo bulshada somaaliyeed ku salaysan.

Abaartu waa xaalad biyo la’aaneed oo ku habsata geyi, taasoo saamayn ba’an ku yeelata bulshada geyigaas iyadoo ka saamaysa  dhinacyo badan una saamaysa siyaabo kala duwan  waxaa kamid ah dhinacyada  ugu badan ee ay ka saamayso abaartu bulshadaas ay haleeshay;

  • Saamayn deegaan
  • Samayn bulsho
  • Saamayn dhaqaale

Waxaan si kooban uga hadli doonaa saamaynta abaartu ku leedahay seddexdaan dhinac ee aan kor ku xusay.

Waxaan mid-mid u kala qaadi doonaa gaarkiisana uga niqaashi doonaa mid kasta oo saddexdaan kamid ah.

Saamaynta Deegaanka

Deegaanku waa meesha ugu badan ee ay saamayso abaartu waana meesha ay geedaha, duur-joogta, dab-joogta, iyo dadkuba ku dul nool yihiin.

Abaartu waxay saamayn baaxad weyn ku leedahay deegaanka waxaa dhimanaysa ciidda, waxaa qallalaya dhirta, waxaa qooxmaya duur-joogta, waxaa meesha ka baxaya gebi ahaanba nafaqadii carrada.

Waxaa dhul daaqsimeedkii ku dhacaya bur-bur iyo biyo la’aan wuxuuna noqonayaa gegi aan indhuhu qaban karayn.

Waxaa wiiqmaya tayadii carrada taas oo sababaysa in hoos u dhac ku yimaado wax soo saarka carrada.

Waxaa engagaya biya-galeennadii sida; ceelashii, balliyadii, harooyinkii, webiyadii, iyo moqorradii loo aroori jiray xoolahana laga waraabin jiray.

Waxaa haajiraya duur-joogtii ku dhaqnayd deegaankaas; deeradii, Goraya-cawshii, Goray-haldhaagii, Garanuugtii, Qalanjadii Iyo Arbihii Maroodiga, Libaaxii, Sagaaradii; Atoor Iyo Yacdiiba,Qusalaydii Iyo Gol-castiiba, iyo guud ahaan duur-joogtii   ku dhaqnayd  geyigaas abaaraystay, Iyaga oo baadi-goobaya biyo iyo baad ay nafta ku qabtaan si ay u sii noolaadaan.

Marka aan u soo degno geyigeenna waxaa go’aya  jidadkii aan laamiga ahayn ee isaga gooshi jiray gobollada iyo degmooyinka dalka. Waxaa dhulka intiisa badani isu beddalayaa gel-gelin u eke aad mooddo in ku dhawaad Kadin geel ahi isaga dambeeyay. Ama meel xilli-dheer laga tumayay jaan-dheer oo jiibta iyo jaanta la isla helay, boodh iyo siigo, ceeryaamo iyo qiiq baa ka baxaya  jidadkii gawaadhida bulashadu mari jiratay.

Waxay dabayshu qaadaysaa carro-santii oo kor xaadin ba’an bay ku samaynaysaa dhulka taasoo ugu dambayn sababi karta in wax tayo wax soo saar ah laga waayo ciiddaas.

Waxaa baaba’aya oo dirri bannaan oo kax ah noqonaya berrinnadii, jeexyadii, dooxooyinkii, kobihii iyo kaymihii ay xooluhu u foof iyo daaq tegi jireen.

Waxaa lama degaan u ekaanaya jabaddadii iyo xeryihii lagu soo xoomi jiray marka naqu da’o waxaa indhahaagu qabanayaan degelkii oo qaawan oo dabayli intay ula timi ka qaadday wixii ood iyo astur ahaa ee lagu xayn-daabay markii la degganaa.

Waxaad marar badan arkaysaa wakhtiga abaarta dhir u reeryaysan sida awr oo ku yaalla meel cidlo ah inta reerkii awoodi waayeen inay qaataan ama gaadiid u waayeen aqalkoodii ay ku raseeyeen geedkaas.

Saamaynta Bulsho

Markaan dhan kale ka eegno abaartu waxay saamayn xooggan ku leedahay bulshada ku dhaqan geyiga ay abaartu ka dhacday.

Shayga ugu weyn ee nolosha naflaydu ku tiirsan tahay waa biyaha, abaartu waa xaalad biyo la’aan ama biyo yaraan taasoo bulshada ku keeni karta inay qiil-qiil gasho noloshoodu iyo sidoo kale sii jiritaankooduba.

Abaartu waxay bulshada ku keentaa macaluul, baahi, iyo wax soo saarkii gasiinka oo gabaabsi noqda sidaasna ay ku dhacdo cunto la’aan sababta ugu dambaynta xanuunno ay kamid yihiin daacuun iyo shuban-biyood galaafan kara nolosha  kumannaan bulshadaas kamid ah.

Abaaartu waa shayga ku kallifa reer guuraaga in ay ka guuraan deegaan ay deggenaayeen  una hayaamaan dhulyoow kale si ay u helaan  nolol dhaanta midda ay markaas ku nool yihiin, si ay u helaan ceel uga dhow ceelka ay hadda u arooraan xoolahana ka waraabsadaan. Abaartu waa xaaladda ka dambaysa xerrinta iyo xawa-warinta meesiyada kala duwan ee xoolaha, waana tan keenta in ciidankii reerku kala jabo marka labo ama saddex reer la kala noqdo; odayga ama wiilasha oo geela xer-geeya, islaanta iyo gabdhaha oo idaha xawa-wariya iyo inta kale reerka oo  riyaha la raadiya meel ay ka  heli karaan wuxuun xaab ah siiba buurta iyo qararka ka ag dhow.

Abaartu waxay waxyeello weyn ku keentaa wiiqdaana tamarta iyo muuqaalka xoolaha, xoolahaas oo idil ahaan ay bulshadu uga faa’idaysato siyaabo kala duwan sida inay ka helaan cad iyo caddiin ay ku noolaadaan iyo inay u adeegsadaan gaadiid ahaan sida Awrta iyo dameeraha.

Waxaa hoos u dhac weyn abaartu ku meenaysaa koritaankii bulshada iyadoo sababsanaysa labo arrimood oo kala ah; B) dhimashada oo badanaysa sababo caafimaad iyo quud la,aan dartood.          T) dhalashada oo yaraanaysa sababo la xidhiidha guurkii oo yar, waxaan dhihi karnaaa abaartu waxay saamayn taban ku leedahay guurka, markasta oo abaartu daba dheeraatana waxaa soo yaraanaya tirada aroosyada iyo reeraha cusub ee dhismaya taas macnaheedu ma aha cid is guursata ayaa la waayay ee waxa loo ballamayaa in marka nagu da’o ee roobka mahiigaan, mir, mayay iyo miiraale intuba curtaan in la yagleelo reer barwaaqo jooga.

Xaaladda abaartu jirto waxaa dhacda in ceelashii biyo-yareeyaan kaddibna ayba dhacdo in biyaha marka ceelka laga dhaansanayo aanay labo qof wada geli karin ceelka ama labo ka badani geli karin taasoo keenta khilaaf iyo is af-dhaaf muran ah isuna beddala aakhirka dagaal iyo gacan ka hadal dabada la gala ama irridaha u roga colaado muddo  gartoodu ribbato oo geedka loo fadhiyo.

Saamaynta Dhaqaale

Saamaynta dhaqaale waa mid la xidhiidha waayitaanka lacag, shaqsiyaad waayaan, ganacsato waydo ama dawladi waydo.

Abaartu waxay saamayn toos ah ku leedahay wax soo saarka biyaha gudaha iyo waaxyaha dhaqaale ee biyaha ku tiirsan sida: wax soo saarka korontada biyaha ku baxda (hydroelectricity production), warshadaha ku tiirsan beeraha (Agro-Industry) kuwaasoo si toos ah ugu xidhan biyaha cirka (roobka).

Waxay abaartu saamayn mug leh ku yeelanaysaa daryeelkii bulshada (social welfare) iyo ka war-hayntii bed-qabka deegaanka (environmental well-being) taasoo ka dhalanaysa hoos u dhaca ku yimaada dakhliyada dawladda oo iyaduna ka soo unkantay hoos u dhaca cashuuraadka kasoo xeroonaya bulshada iyo sharikaadka maxalliga ah, tasoo aakhirka keenaysa hoos u dhac ku yimaada wax soo saarka guud ee dalka (GDP) iyo qaab nololeedka bulshadaas (standard of living). Taasoo sababi karta in uu dhaco  jaah-wareer dhaqaale ama (Economic crises).

Kharashaadka ku baxaya ama loo qoondaynayo si loo yareeyo ama meesha looga saaro abaarta ayaa keenaya saamayn dhaqaale. Sababtoo ah waxaa dhacaysa in kharashaad fara badani oo ku bixi lahaa horumarinta dhaqaalaha ama xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha ama kobcinta dhaqaalaha dalka ay ku baxaan abaaraha iyo la tacaaliddooda taasoo keenaysa in kharashaadka dawladdu ka bato dakhliga guud ee dawaladda taasoo sababi doonta aakhirka is dhin miisaaniyadeed (budget deficit).

Waxaa hoos u dhac ballaadhani uu ku imaanayaa wax soo saarka dalagyada la quuto iyo dalagyada la dhoofiyo labadaba, waxaa dhacda in uu hoos u dhac iyo khasaare weyn kasoo gaadho beeraleyda taasoo beeraleyda qaar ku sababi karta inay ka quustaan beerashada beer dambe oo ay sidaa uga baxaan saaxada beeraha.

Waxaa kale oo si xoog ah ay abaartu u saamaynaysaa ganacsatada iyo warshadaha soo saara qalabka beeraha taasoo ku keenaysa hoos u dhac maaliyadeed oo ka dhalatay wax soo saar la’aanta beeraha iyo kharash la’aanta beeraleyda.

Waxaa is xidhaya kumannaan ganacsi oo ku xidhanaa wax soo saarka beeraha waxaa ka dhalanaya is xidhkaas ganacsi kumannaan abaarta ka hor shaqaynayey inay waayaan shaqadoodii halkaana waxaa inooga soo baxaysa inay abaartu saamayn togan ku leedhay korodhka shaqo la’aanta.

Markaan ka eegno dhanka bulshada iyo biyaha waxaa saa’id u kacaya sicirkii biyaha waxaa badanaya kharashaadka lagu bixinayo biyaha. Kasoo qaad beeraleyda, beeraleydu waxay kharashaad kala duwan ku bixinayaan qodidda ceelal cusub, waraabinta beeraha iyo iibasashada qarbaddo ama haamo waaweyn oo ay ku kaydsadaan biyaha waxaa sidaasoo kale reer guuraaga kharashaad badan uga baxayaa sidii ay ku heli lahaayeen biyo ay ku waraabsadaan maalkooda iyo naftooda waxay xidhaan badankoodu baco ay ku kaydsadaan biyaha  sababtoo ah biyaha waxaa laga keenayaa meelo aad uga fog-fog inta badan deegaannada ceelashoodu abaar raaceen. Gaadiidkoodii ay ku dhaansan jireenna waxaa hawl-gab ka dhigtay oo wiiqday abaarta waxay taasi ku khasbaysaa inay huraan lacago mararka qaarkood xad-dhaaf ah si ay u helaan baabuur ay kusoo qaataan biyo ay dadka iyo xooluhuba cabbaan.

Samata-baxa abaarta / xalka abaarta

Abaartu waa aafo dabiici ah oo in badan ku soo noq-noqotay dalkeenna inaguna soo beeganta dalka oo aan u diyaar garoobin wajahaadda abaaro iyo roob la’aan wax qorshayaal ah oo uga degganina uusan jirin.

Ta Allaa jirtee.

Haddaba waxaan halkan ku soo gudbinayaa waddooyinka looga samata-bixi karo abaar iyo waxyaabaha loo baahan yahay si looga hor-tago abaar baaxad leh oo ku habsata dalka oo weliba soo noq-noqota, qorshayaasha loo baahan yahay in laga yeesho abaar. Iyo tallaabooyinkoodaba samata-bixineed ee abaarta looga baaqsan karo waxaa kamid ah

  1. Biyo-xidheeno (Dams) waa in la sameeyo kaydad waaweyn oo biyo fadhiisinno ah waqtiga roobabka si looga faa’iidaysto waqtiga abaarta.

Waqtiga roobabku inoo da’aan waxaa dhacda in biyo tiro-beel ah aad aragto oo qul-qulaya oo ku wajahan badda biyahaas haddii la qabto oo la hojiyo loona sameeyo waro iyo baraago ay ku xasilaan intay badda aadi lahaayeen waxaa wax badan laga faa’idaysan lahaa xaaladaha abaartu ina soo wajahdo. Imminkase waxaa aad u dayacan oo aan wax qorshe ah lahayn biyaha rabbi inagu gallado si aynu uga faa’iidaysanno laakiin nasiib xumo badda inagaga darsama.

  1. Dhirayn (Seeding) waxaa xiga dhirayn, dhirayntu waa in dhulka lagu beero dhir waxaa la isku raacsan yahay in dhirtu ay saamayn ku leedahay xaaladaha roobka iyo roob la’aanta meelba meesha ay ka dhir badan tahayna ay kasoo roob jiidasho badan tahay. Waxaa kaloo ay dhirayntu aad u anfacaysaa carro-guurka ku dhacaya carro -sanka dhuka xilliga abaarta, dhulba dhulka uu ka dhir badan yahay wuu ka carro-san haysasho badan yahay.
  2. Macaanaynta (Desalination). Waxaan ula jeedaa kalmadda macaanaynta waxaa ilaahay inagu mannaystay bad aad u dheer oo ku teedsan inta badan dhulkeenna  waxaa fadhiya biyo aad u fara iyo tiro badan, si aan uga hor-tagno abaarta iy biyo la’aanta soo noq-noqotay waxaan ku talin lahaa in la isku dayo in la macaaneeyo biyaha badda ee aan gudhayn amar Eebbe mooyee, macaanintooda kaddibna loo adeegsado dhinackasta oo nolosha kamid ah sida;  cabbidda, waraabinta xoolaha iyo dhirta, iyo in loo adeegsado dhammaan dhinacyada nolosha ee aan looga maarmi karin biyaha.
  3. La socodka abaaraha (Drought monitoring) tan Allaa  jirtee in la sameeyo qorshayaal lagula soconayo xaaladaha guud ee roobka in la cabbiro lana saaadaaliyo xaaladaha kusoo wajahan dalka markastana  lala socdo xaaladahaas inta xaddiga roobka soo wajahan le’eg yahay iyo inta roob la’aan ah ee soo wajahan iyadoo la adeegsanayo saadaasha hawada iyo cilmiyada la xidhiidha jawiyada adduunka, mar kastana lagu xisaabtamo in ilaahay roobka iyo roob la’aantaba hayo.
  4. Isticmaalka dhulka (Land-use) waxaan ula jeednaa isticmaalka dhulka; in dhulka lagu beero dalagyo kala duwan mar kastana laga war-qabo nafaqada carrada si looga hor-tago nabaad-guur ku yimaada dhulka.
  5. Waxbarsho (Education) tan ugu dambaysa ahna tan ugu muhiimsan waa shay aad muhiim u ah in bulshada ay noqoto bulsho aqoon badan leh si qof kastaa isugu dayo inuu dhankiisa ugala tacaalo abaarta, waa shayga inoo sahli kara in aan saadaalo badan ku samaynno hawada iyo waxyaabaha la xidhiidha.

Geba-gebo

Waxaan kusoo geba-gebaynayaa qormadaan abaartu waa masiibo dabiici ah ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu inaga samata-bixiyo abaaraha jira waxaan ku talinayaa in Eebbe weyne loo noqdo laguna kalsoonaado kaalmadiisa, ducada iyo Alla-barigana la badiyo, isu naxariisashada iyo is-gacan qabashada bulshada ayaa lagu bad-baadayaa,

Waxaan kaaga mahad-celin waqtiga aad galisay akhrinta qormadaan waxaan ku leeyahay mahadi hakaa gaadho akhriskaaga waan filayaa inaad wuxuun ka faa’iidday.

Ilaahay ha inoo naxariisto hana inaga dulqaado xaaldaha qallafsan ee ina halakeeyay.

Aammiin aammiin aammiin.

Tix-raac

  1. ABHIJEET KUMAR GAUTAM SEPTEMPER (2015) DISESTER MANAGEMENT.

ALBERTO GARRIDO MAY (2014) SOCIO- ECONOMIC IMPACT OF DROUGHT AN ECONOMIC INSTRUMENTS.

http://eschooltoday.com/natural-disasters/droughts.

W/Q: Zakariye Aden Colaad(buux)

Email: Colka063@gmail.com

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI