Tuesday 17th October 2017

Yurub Geenyo Oo Ka Hadashay Joogitaankeeda Muqdisho.

March 21, 2017 - Written by Kulmiye

Caawa Fiidkii ayaan ku booqdey Guriga ay Muqdisho ka degan tahay Fanaanada Yurub Geenyo oo Ka mid ah Fanaaniintii Ku soo Caan baxey Kooxda Xidiga Geeska oo uu Fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa Sababo Shaqo ayaan ku kulaney Qormadeydan Waxaan idinkula wadaagayaa Wixii aan ku soo sheekeysaney iyo xaaladaheeda Xilligan

1: Sidee ayaad Muqdisho ku timid yurubey?

Waxaaan u imid in aan bandhig Faneed uqabto Dadka jecel fankeyga Ee Ku nool Muqdisho Hadda waan qabtey Bandhig faneed kuwa kalana dhowaan ayaan qabanayaa

2: Sidee u aragtaa Go’aankii Xidigaha lagaaga saarey Adiga iyo Saaxiibadaa kale?

Waan ku faraxsanahay oo waan soo dhaweynayaa Markii ugu horeysay oo kooxda Qof laga saaro Qofna lagu soo daro Ma aha Saameyna Kuma yeelaneyso Fankeyga Fanaankasta oo xidigaha ka tirsan oo Muqdisho yimaado waa laga saarayaa kooxda sidaas ayaan ufahmey Aniguna waan tagayaa Meel kasta oo uu joogo Qof Afsoomaali ku hadlaya

3: Maku laabaneysaa Magalaada Hargeysa?

Haa Waan ku laabanayaa insha Allah hada xoogaa ayaan joogayaa Muqdisho kadib in aan safaro kale galo ayaa suurto gal laakiin Waan ku laabanayaa Hargeysa Go’aanka xidigahana igama hor istaagayo

4: Maxaad muqdisho ka Aaminsaneyd Maxaadse kala kulantey?

Markii horeba Aniga Waxaan ka Aaminsanaa Dhul soomaaliyeed oo ay joogaa. Dad Soomaaliyeed Si wanaagsan ayaana la iigu soo dhaweeyey Waan ku Amaanayaa Dadka Soomaaliyeed Sida ay ugu wanaagsan yihiin Soo dhaweynta iyo ixtiraamka

4 : In wax la siyaasadeynayo Ama fanka xidigaha siyaasas lugaha la galayo makuu muuqataa?

Anigu Fanaan ayaan ahey Abdinasir Siyaasad lug kuma lihi Marka in Dadka qaar siyaasadeynayaan waa Suurto gal Laakiin Anigu waxaan Aaminsanahay in Fanku aan siyaasad laheyn una dhaweyn Walaal

5: Hees ayaad Muqdisho uqaadey Kuwa kale ma uqaadeysa?

Haa waan uqaadayaa walaal insha Allah Hada waxaan mardhaw Hees uqaadayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Marka muqdisho heeso badan waan ku qaadayaa kkkkkk (qosol)

Yurub ku soo dhawoow Walaal Magaalada Muqdisho Ee caasima dalka Soomaaliya

Mahadsanid walaal waan dhawahay

Aniga Maxaan indhaheyga ku arkey?
Markii aan Guriga Yurub Geenyo tagey waxaan kula kulmey koox dhalinyaro Rag iyo dumar leh waanala soo dhaweyey Aniga iyo Saaxiibadii aan wada Soconey

Yurub Geenyo ayaa inoo soo baxdo na soo dhaweysay iyadoo qosleysa oo dhoola cadeyneysa Malaha Markaasna Labisatey una ekeyd Qof na sugayey

Markii aan howsha dhameysaney Waxaan wada istaagney Barandada dhexda guriga yurub Weli wey dhoola cadeyneysa weyna inoo sheekeyneysa Saaxiibadeey Qaar ayaa Su’aalo Kaftan ah Weydiinaya Waxaan ka xasuusta Suaalahaas Ka waran Muqdisho cadey? Saaxiibada Xidigaha Geeska qaarkood ma laga yaabaa in ay Muqdisho yimaadaan? Koox kale ma sameysan doonta Faniintiini Xidigaha laga Saarey? Iyo Suaalo kale
Su’aasha ugu dambeysa ayuu qofkeen ugu jawaabey Haddii xidigaha la idinka Saarey dayaxa, Cadceedaha,iyo Bisha mid la baxa inta koox sameysataan

Waxaan usheegnay in aan sii baxeyno wey na soo sagootisey ilaa Albaabka Guriga iyadoo Dhoola cadeyneysa oo Wejigeedu Furan yahay Ayey iyadoo Magac Magac noogu yeereysa nagu tiri waan isla joognaa Walaalayaal Mararkale oo badana iikaalaya.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI