Saturday 29th April 2017

Wasiirka Howlaha Guud,”Dhismaha Wadada Garoowe iyo Galkacyo Waa Bilaabanayaa”.

March 19, 2017 - Written by Kulmiye

Xarunta wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland ee Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan looga arrinsanayey dardar gelinta bilowga dhismaha wadada u dhexay magaalooyinka Garoowe iyo Galkacyo.

Kulankaani oo uu shir gudoominayey wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa ka qaybgalay, agaasimaha guud ee wasaaradda, gudoomiyaha Hay’ada wadooyinka ee PHA, Injineero iyo madaxda shirkadda qandaraaska dhismaha wadada ku guulaysatay ee Isxilqaan.

Kulanka oo qaatay mudo saacado ah ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyey sidii loo bilaabilahaa shaqada dhismaha wadadaasi oo lafilayo in mudo todobaad gudihiis ah ladaahfuro dhismeheeda.

Shaqada ugu horaysa ayaa waxaa qaban doona Hay’ada PHA oo kaashanaysa wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland, waxaana ay kadhacaysa inta u dhexaysa Kantaroolka Burtinle ilaa Xarfo.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo gabagabadii warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in qorshihii uu gabo gabo marayo ayna dhowaan filayaan in shirkadda lagu wareejiyo qandaraaska.

Mudane Cabdirashiid ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii wadadaasi dadka loogu dhisi lahaa, wuxuuna ku booriyey cid walba inay qaadato kaalinteeda muhiimka ah.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI