Thursday 23rd March 2017

Madaxwynaha Soomaaliya Oo Khamiista Ku Wajahan Nairobi iyo Faahfaahin Laga Helayo.

March 21, 2017 - Written by Kulmiye
Afhayeenka madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu khamiista soo aadan Booqashi rasmi ah ku tagi doono Magaalada Nairobi, islamarkaana uu kulan gaar ah la qaadan doono dhigiisa Uhuru Kenyatta.

Afhayeenka ayaa shaaciyay in Waxyaabaha ay kawada hadli doonaan Uhuru iyo Farmaajo ay kamid noqon doonaan dhamaytirka heshiiska dhinac socdaalka, gaar ahaan duulimaaydyada diyaaradaha iyo maamulka xuduuda labada dalka.

Wuxuu kaloo sheegay Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Kenya in Labada Madaxweyne ka hadli doonaan dhisamaha derbiga dheer ay Kenya ka dhisayso xadka ay la wadaagto Somalia.

Uhuru ayaa la saxiixan doono Farmaajo inta uu joogo Nairobi Heshiis wada-shaqeyn ah oo dhanka ciidamo Booliska labada dalka, iyo tababarka ciidanka Booliska dalka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtida soo socoto ka qeybgali doono Shir Madaxeedka IGAD, ee ka dhacaya magaalada Nairobi, kaasi oo diirada lagu saari doono arrimaha qaxootiga, aminiga iyo abaaraha ka jira Geeska Africa.

Kenya ayaa ka joogo Somalia Ciidamo lagu qiyaasay 5,000 oo askari, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, oo mudo 10 sano ka socdo dalka Soomaaliya.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
abaaro Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
1 Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Madaxweyne Gaas  (2) Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
IMG_9982 (6) WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
unnamed-3 WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
img_9277 DAAWO MUUQAAL:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe ayaa Ka Hadlay Xaaladda Abaaraha Puntland.    December 14, 2016
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI