Thursday 23rd March 2017

Sawirro-Madaxweynaha Cuusb ee Soomaaliya Maxamed C Farmaajo Oo Xilka Lawareegey.

February 17, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud keddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Intii ay xilwareejinta socotay ayaa madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku wareejiyay Faylka Qaranka Madaxweynaha cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Xil wareejinta kaddib, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore dedaalkiisii uu dalka ku soo hoggaamiyey afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay waqti cusub oo shaqo adag laga sugayo xukuumaddiisa,

Mdaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dowlad dhisidda Soomaaliya oo loo baahanyahay wada shaqeyn dhab ah oo ay yeeshaan shacabka iyo dowladda.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabaa in ay fahmaan sida dowladda ay ugu baahan tahay taageeradooda,. Waxaa lagama maarmaan ah in dowladda la siiyo waqti ku filan. Waxba kuma qaban karno bilo kooban laakiin waa inaan is cafinnaa oo aan u istaagnaa nabad-galyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladdu waa dowlad shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka, ayaa u mahadceliyey beesha caalamka sida mar walba ay uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uu ballan-qaaday in shacabka Soomaaliyeed uu u soo dhisi doono dowlad hanata kalsoonidooda, isla markaana la tartanta caalamka laakiin shacabiga Soomaaliyeed ayuu u sheegay in iyagana looga baahan yahay in la tartamaan dadyowga kale ee aasaagooda ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey dhammaan hey’adaha dowladda, ciidammada Qalabka sida AMISOM, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu xusay in la’aantooda aan la soo gaari lahayn marxaladdan dimoqoraadiga ah.









 

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
abaaro Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
1 Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Madaxweyne Gaas  (2) Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
IMG_9982 (6) WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
unnamed-3 WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
img_9277 DAAWO MUUQAAL:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe ayaa Ka Hadlay Xaaladda Abaaraha Puntland.    December 14, 2016
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI