Saturday 29th April 2017

Madaxweynihii Hore ee Dawladda Puntland General Cade Muuse oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Boosaaso.

February 14, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 February 2017 Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen. Maxamuud  Muuse Xirsi Boqor.

Ka qayb galka aaska qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii hore ee Puntland marxuum
Gen. Cade Muuse Xirsi Boqor ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Ra’iisul wasaaraha DFS Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS, Issimada iyo waxgaradka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo saraakiisha ciidamadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada PSF, PMPF iyo ciidamada Baan-boyda ee Dawladda Puntland.

Sidoo kale ciidamada ayaa salaan sharaf iyo muusiga baroordiiqda ku sagootiyey maydka marxuum Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Boosaaso.

Salaadda jinaasada ka dib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca goloyaasha Dawladda Puntland iyo kan shacabka Puntland waxa uu  uga tacsiyeeyey shacabka Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ka baxay Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Cade Muuse Xirsi Boqor.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Cade Muuse uu ahaa shakhsi wanaaga iyo wadaniyadu had iyo jeer ku weyn tahay isla markaana ummadda Soomaaliyeed ay jecelaayeen.

‘’Inna lilaahi wa Innaa ilayhi raajicuun, waxaan anigoo ku hadlaya magaca Dawladda Puntland iyo shacabkeeda uga tacsiyeeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland  meelkasta oo ay joogaan geerida Madaxweyne Cade Muuse, Madaxweyne Cade Muuse waxa uu ahaa qof wanaagsan, qof ummadda Soomaaliyeed dhammaantood ay jecel yihiin, nin denbi yar sidaan qirnay dhammaanteen, weliba waxa uu ahaa  nin geesi ah, xabiib ah, Soomaali ah, illahay ha u naxaarinsto denbigiisana ha dhaafo qabrigana alle ha u waasiciyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ra’iisulwasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isna dhankiisa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland, eheladii,asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Cade Muuse Xirsi Boqor uga tacsiyeeyey geerida ku timi marxuumka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in marxuumku uu ahaa shakhsi ay ku beeran tahay wadaniyadu, isla markaana markasta uu ka qaadan jirey talo iyo tusaale wanaagsan mudooyinkii kala duwanaa ee uu Ra’iisal wasaaraha ahaa.

Dhinaca kale  Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa hadalo kooban oo tacsiya ka jeediyey salaadii Jinaasada ee marxuumka, sidoo kalena isimada iyo wax garadka Puntland ayaa dhankooda tiraanyada la wadaagey Shacabka Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed geerida Ku timid Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland, waxaana ay dhamaantood isla qireen in Gen. Cade muuse uu ahaa shakhsi had iyo jeer ka shaqeeya nabada, jecelna horumarka iyo dib u hoshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA,WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.       IMG_0022 IMG_0044 IMG_0046 IMG_0052 IMG_0060 IMG_0061 IMG_0069 IMG_0073 IMG_0095 IMG_0107 IMG_0110 IMG_0112 IMG_0115 IMG_0130 IMG_0136 IMG_0145 IMG_0161 IMG_0164 IMG_0174 IMG_0182 IMG_0197 IMG_0212 IMG_0220 IMG_0226 IMG_0257 IMG_0263 IMG_0269 IMG_0273 IMG_0276 IMG_0294 IMG_0296 IMG_0298 IMG_0299 IMG_0300 IMG_0305 IMG_0313 IMG_0318 IMG_0324 IMG_0332 IMG_0335 IMG_0356 IMG_0363 IMG_0367 IMG_0374 IMG_0379 IMG_0387 IMG_0404 IMG_0414 IMG_0416 IMG_0431 IMG_0443 IMG_0461 IMG_0477 IMG_0489 IMG_0518 IMG_0524 IMG_0553 IMG_0557 IMG_0580 IMG_0589 IMG_0597 IMG_0603 IMG_0609 IMG_0610 IMG_0612 IMG_0614 IMG_0616 IMG_0619 IMG_0641 IMG_0646

 

 

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI