Thursday 23rd March 2017

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Ka Qayb  Galay  Xafladda Qalin Jebinta Dufcaddii 5-aad ee Jaamacada Muqdisho Faraceeda Magaalada Boosaaso.

February 16, 2017 - Written by Suldaan Samawade

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 16  February, 2017  ka qayb galay xafladda qalin jebinta dufcaddii 5-aad ee ka baxday  jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso.

Ka qayb galka xalfada qalin jebinta ardayda jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka degmada Boosaaso, kan gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa u hambalyeeyey ardayda ka qalin jebisey Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso, waxaana uu madaxweynuhu maamulka jaamacadda iyo waalidiinta ardayda mahad balaaran uga jeediyey sida ay ula garab istaageen ardayda dedaal iyo maalba, isla markaana ay ka mira dhaliyeen hiigsiga mustaqabalka ardayga.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka  Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa ku booriyey ardayda ka qalin jebisey jaamacada Muqdisho ee magaalada Boosaaso inay dhamaystaan waxbarashadooda inta u dhiman, isla markaana ay dhabaystaan inay yihiin madaxdda mustaqbalka dhow ee Dalka.

Wasiirka wasaarada waxbarasha iyo tacliinta sare ee Dawladda Puntland Mudane. Abshir
Aw-yuusuf Ciise ayaa isna dhan kiisa wax lagu farxo ku tilmaamay ardayda ka qalin jebisey Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso kuwaas oo tiradoodu dhantahay 127 arday, isla markaana isugu jiray arday ka qalin jebisey 7 dufcadood oo ka mida Faculty-yada lagu barto Jaamacada.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada waxbarasha ayaa timaamay in jaamacada Muqdisho ay ka mid tahay Jaamacadaha ugu tayada wanaagsan ee ka jira Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dr. Cali Shiikh Axmed oo kamida guddiga sare ee Jaamacada Muqdisho ayaa ku dheeraaday marxaladaha kala duwan ee ay Soo martay Jaamacadu,waxaana uu sheegay in Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ay doorwayn ka qaateen dhismaheeda iyo tayeynteeda xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Puntland tan iyo intii dhidibada loo taagey.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha  ayaa daah furay magac cusub oo lagu bedelay faraca jaamacadda muqdisho ee magaalada Boosaaso, waxaana loo bedelay magac cusub oo noqonaya Redsea University ama Jaamacadda Badda Cas ee magaalada Boosaaso.

Labada Jaamacadood ayaa qorshe ahaan isku mid ah balse ku kala duwan magaca iyo nidaamka ay u shaqaynayaan, waxaana ka dhaxayn doonta wada shaqayn ballaadhan oo ku salaysan horumarinta tacliinta iyo wixii la mid ah.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada DAwladda Puntland.IMG_0667 IMG_0669 IMG_0684 IMG_0689 IMG_0690 IMG_0692 IMG_0694 IMG_0695 IMG_0698 IMG_0699 IMG_0700 IMG_0703 IMG_0707 IMG_0709 IMG_0712 IMG_0719 IMG_0727 IMG_0734 IMG_0739 IMG_0742 IMG_0747 IMG_0751 IMG_0754 IMG_0756 IMG_0758 IMG_0762 IMG_0767 IMG_0769 IMG_0774 IMG_0776 IMG_0777 IMG_0780 IMG_0785 IMG_0788 IMG_0790 IMG_0794 IMG_0799 IMG_0808 IMG_0809 IMG_0811 IMG_0816 IMG_0827 IMG_0830 IMG_0834 IMG_0845 IMG_0848 IMG_0876 IMG_0882 IMG_0888

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
abaaro Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
1 Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Madaxweyne Gaas  (2) Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
IMG_9982 (6) WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
unnamed-3 WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
img_9277 DAAWO MUUQAAL:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe ayaa Ka Hadlay Xaaladda Abaaraha Puntland.    December 14, 2016
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI