Saturday 16th December 2017

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Laqaatay Wafti Ka Socda Wadanka Germalka.

February 15, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay 14 Feberaayo kulan la qaatay masuuliyiin ka socda dalalka Jarmalka iyo Masar, waxayna ka wada hadleen sidii xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Madaxa Waaxda Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka Mudane Ralph Timmermann oo uu wehliyay Safiir Ku-Xigeenka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Markus Bollmohr ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ay garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan idin xusuusinayaa xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka inuu ahaa mid aad u wanaagsan oo ku dhisanaa iskaashi iyo wax wada qabsi. Waxaan ka dooneynaa Dowladda Jarmalka in ay dhankeeda qeyb weyn ka geysato sidii dalkayaga uu usoo kaban lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay wafdigan ka socday dowladda Jarmalka abaaraha aadka u daran ee saameeyay Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ballan qaaday in ay dowladdooda gaarsiin doonaan dhambaalka Madaxweynaha, ayna ka qeyb qaadan doonaan sidii ay Soomaaliya cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay wafdi ka socday dalka Masar oo dhambaal hambalyo ah uga siday Madaxweynaha dalkaasi Mudane Cabdulfataax Al Sisi. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada ay diyaarka ula tahay mar walba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

SAWIRRO

Masar2 Masar

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntlandkuna saabsan magacaabid kumeel gaar ah Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland    October 23, 2017
Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska
Important Feature-Bosaso The City of Opportunity    September 30, 2017
Bosaso is a city in the northe
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI