Saturday 29th April 2017

Madaxweyne Farmaajo Oo Dhambaalo Hambalyo ah Ka Helay Dalal Carbeed.

February 17, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid Amiirka Dowladda Kuwait Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Amiirka Dowladda Kuwait ayaa ku yiri dhambaalkiisa “Waxa aan kugu hambalyeynayaa xilka laguu doortay ee Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, waxaana kuu rajeynaya towfiiq iyo toosnaan”.

Amiirku waxa uu amaanay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya , isaga oo yididiilo ka muujiyay inuu sare noqdo iskaashiga wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee u adeegaya danaha labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dhambaal kale oo hambalyo ah ka helay Gudoomiyaha Ururka Kuwait ee Qoyska ku dayashada mudan ahna Gudoomiyaha naadiga hablaha cayaara, danjiraha idman Sheikha Fariha Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo guul, caafimaad qab, baraare iyo horumar u rajeysay Madaxweynaha iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid U adeegaha labada Xaram , Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Boqor Salman ayaa ku yiri dhambaalkiisa “Aniga oo ku hadlaya Magaca shacabka iyo Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa aan kugu hambalyeynayaa xilka laguu doortay ee ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa aan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysatid howlaha ku horyaala ee soo celinaya deganaanshaha dalka, shacabka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed-na horumar iyo barwaaqo”.

Boqor Salman ayaa amaanay xiriirka walaalnimo ee labada dal iyo labada shacab u dhaxeeya , waxaanu sheegay inay hiigsanayaan horumarintiisa iyo xoojintiisa dhinac kasta oo wanaag ah oo ka shaqeynaya wax dan u ah labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dhambaallo kale oo hambalyo ah ka kala helay Dhaxal sugaha ahna Kuxigeenka Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Muhammad bin Nayef bin Abdulaziz Al Saud iyo Dhaxalsugaha labaad ahna kuxigeenka labaad ee Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Dawladda Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa Tayada Shaqaalaheeda    April 11, 2017
Shir lagu gorfaynayey nooca ta
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI