Sunday 21st January 2018

Madaxweynaha Kenya,”Soomaaliya Waxay Ku Soo Laabatay Dalkii La Yaqaaney”.

February 17, 2017 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweynaha ee shalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Farmaajo.

Waxa uu sheegay wax lagu farxo in ay aheyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii shalay cadeyn in ay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika in ay ku soo laabatay wadadii saxda aheyd.

Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.

“Qaabka Doorashada loo sameeyay waxa ay aheyd mid wanaagsan, amniga inta ay Doorashada socotay waxa uu ahaa mid ay iska kaashanayeen Ciidanka Dowladda Federalka iyo Howlgalka AMISOM, Soomaaliya waxa ay ku soo laabatay wadada saxda ah” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay Doorashadii Soomaaliya ka dhacday in ay rajo wanaagsan u aheyd dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, maadaama ay ku dhacday si nidaam ah oo aysan jirin arbushaad iyo waxyaabo kale.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI