Thursday 23rd March 2017

CALANKAYGA BULUGEE ”IKRAN ARALE”

July 11, 2013 - Written by Suldaan Samawade

London(SP): Waxaa Maanta Hees Cusub oo lamagac badxay ”SAREEYOO CAMIRNOOW” soo saaray Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril Heestaas oo Abwaanku uu ugu talagay SANADGUURADA 53 EE MAALINTA GOBANIMADA IYO CALANKA SOOMAALIYA Ee 1 July 1960, Heesta ayaa waxaa ay tahay Erayadii  ABWAAN Abdirashid Yusuf Jibril, LAXANKII Da’ud Ali Masxaf, Musigii Mohamed Karama iyo Da’ud Ali masxaf Iyo Codkii macaanaa Ee Ikraan Arale, Waa Soosaaristii Sanaagpost.com.

HALKAN HOOSE KA DAAWO HEESTA OO MUUQAAL AH

 

HALKAN HOOSE KA DAALACO HEESTA OO QORAAL AH

 

CALANKAYGA BULUUGEE

CIRKA MUUNAD LA CAYNEE

XIDIGTAA CADEE NUURTEE

SHANTA GEESLE KU CAANEE

CASIISKEEY IIGU DEEQOOW,

 

CAAWA WAA CAWADII

CAADILKAA MAHADAALEE

CIIL WIXII IDISHOODIYO

CULAYSKII LAYGA QAADEE

MAANDEEQ AY CURATEE

CAWAALOOW KU DHIDBEE,

 

HALKA AAD CIDHIBSAARTIYO

CUDUDAADA LAMA CIIRSHOO

AHOOW WIIL IYO CAANOO

SAREEYOO CAMIRNOOWOO

RABIGAY KUMA CIILO.

 

CALANKAYGA BULUUGEE

DARUURTAA CAYNBA CAYNKEE

FADBA GAAR U CAWEEYEE

CIDHIFKA ISA SAARTIYO

CARSHIGA AAN KU METAALOOW,

 

MAANTA WAA CASHADII

GUUSHA AAN CINDIYEE

GEESIYAAL CARTAMAAYOO

CABAADKOODA LA YAABAY

CAROWSHEEN GUMEYSTAHOO

CAWDA AY UJAREENEE,

 

HALKA AAD CIDHIBSAARTIYO

CUDUDAADA LAMA CIIRSHOO

AHOOW WIIL IYO CAANOO

SAREEYOO CAMIRNOOWOO

RABIGAY KUMA CIILO.

Sanaagpost News Desk/London

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
abaaro Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
1 Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Madaxweyne Gaas  (2) Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
IMG_9982 (6) WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo safar kormeera ku tegey degaamada ay u soo hayaameen dadka abaartu saamaysay.    January 25, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
unnamed-3 WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda puntland oo Muqdisho Kaga Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo.    January 1, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland
img_9277 DAAWO MUUQAAL:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe ayaa Ka Hadlay Xaaladda Abaaraha Puntland.    December 14, 2016
Madaxweynaha Dawladda Puntland

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI